Hargeysa, Somaliland – Qaar ka mida haweenka ku dhaqan degmada gacan libaax ee magaalada hargaysa islamarkaana ka tirsan xisbiga waddani ayaa dhaliilay hadal ka soo yeedhay isla garab kale oo ka soo jeeda degmadaasi oo taabacsan xukumada iyo xisbiga kulmiye.
haweenkan oo shalay shirjaraa’id ku qabtay hotelka shiraaqle ee magaalada hargaysa ayaa sidoo kale waxay ka dariyeen xaalada nololeed ee dadka ku dhaqan degmadaasi gacan libax iyaga oo sheegay inay liitaan dhamaan adeegyadii arimaha bulshadu ee looga baahnaa xukuumadu inay wax ka qabato sida biyaha ,waxbarashada iyo wadooyinka oo ay dhamaantood ku sheegeen kuwo gurmad u baahan.
Samiira Cali oo ka mid ahayd dumarkii halkaa ka hadlay ayaa si adag uga hadashay dumar dhawaan ku hadlay afka haweenka dagmada Gacan libaax kuwaasi oo sheegay in Xukuumadu wax wayn uqabatay Degmadan waxaanay sheegtay inaanay matalin
haweenka xaafada isla mar ahaantaasina ay yihiin kuwo xukuumadu ay soo shidaalisay Waxanay tidhi “hadii aanu nahay gobalka maroodi jeex qaybtiisa bari ilamaa waqooyi dagmada gacan libaax, macalin haaruun Aagaa balaadhan xukuumadu waxba noomay qaban, sidaa darteed waxan ka hadlayaa haweenkii halkan ka hadaly ee isku kala bixiyey gacan libaax gabadh waliba guri bay uga hoyataa ma matasho,waxa weeye beesha ay sheeganayso nama matasho dagmada ay sheeganayso na ma matasho” ayay tidhi Samiira Cali
Ifraax Xiis oo ka mid ahayd haweenkii badnaa ee hadalka iskaga daba maray ayaa waxa hadaladeedii ka mid ahaa “xukuumada kulmiye xaafada gacan libaax waxba umay qaban haba yaraatee wax wado ah oo ay xukuumadi noo samaysay ma jiro, dhalinyaradii xaafadan ka kacday ee sanadkan iyo kii xigay jaamacada ka baxay ee Axamed Maxamed Maxamuud
Sillaanyo codka siiyey markii ay jaamcadii ka baxeen ee shaqo udoonteen waxay yidhaahdeen ina hebal ma tahay”
geesta kalana haweenka ayaa ka dariyay xaalada waxbarasho ee degmooyinka gacan libaax iyo macalin haaruun iyaga oo sheegay in ubadkoodii lagu caydhiyo bixinta lacagta fiiga oo ay hore xukuumadu u sheegtay inay ka dhaaftay ardayda dugsiyada hooes /dhexe balse haweenkan ayaa arintaasi kutilmaamay mid aan sal run ku lahaynisku soo wada xoodoo haweenka waddani ee garabka degmada gacan libaax ayaa waxay si xoogan u dhaliileen xukuumada siilaanyo iyo xisbiga kulmiye