Diyaaraddii labaad ee Aasiya oo la waayey Jaan iyo Cidhib halka ay degtay iyo baadi goob lagu jiro

0
439

 

OcXhD

Singapure, Singapore, December 28, 2014 (Codka Hargeysa) – Diyaaradda ay leedahay shirkada Air Asia oo ka duushay dalka Indonesia kuna sii jeedday dalka Singapore ayaa la waayay xidhiidhkeedda, sida ay sheegtay waaxda isku xidhka duulimaadyada hawada ee dalka Indonisia, xilli ay 45-daqiiqo hawada ku jirtay.

Rakaabka diyaaraddan saarnaa ayaa tiradooda lagu sheegay 162-qof oo la sheegay in tod-doba ka mid ah ay ahaayeen shaqaalihii diyaaradda 1 faraansis ah iyo 6 kale uu dhasheen dalka indonesia, halka rakaabka saarna diyaarada ay uu badnayeen muwadiniin uu dhashay dalka Indonesia oo 149 qof, halka tiradaa ajaanibka oo ahayd hal Singapore, 1 Malaysia, 3 South Korea, 1 United Kingdom. Waxaana weli la’yahay saacado lasii la’yahay, lamana oga meel ay tagtay.

Boqolaal qof oo ehellada rakaabka diyaaradda ka mid ah ayaa walaac aad u xooggan soo wajahay, waxaana la geeyay meel gaar ah oo garoonka dalka Singapore ka mid ah, kaasoo lagu waday inay diyaaraddu caga-dhigato.

Diyaaraddan oo tirsigeedu ahaa Airbus A320-200 ayaan illaa iyo hadda la ogeyn inay bur-burtay iyo in kale. Laakiin diyaaradaha dagaalka ee Indonesia ayaa ku jira baadi-goob ay ku raadinayaan diyaaraddan oo shalay aroortii ka duushay garoon ku yaalla dalka Indonisia.

Wararka ayaa sheegaya in jawiga oo xumaa awgiis la filayo inay sababtay in diyaaraddu ay lunto, iyadoo duuliyaha diyaaraddana la sheegay inuu markii ay duushay diyaaradda uu kordhiyay xawaaraha ay ku socoto.

Diyaarada Air Asia ayaa ah diyaarad qiimaheedu tigidhadeedu ay yihiin kuwo aad u jaban, hase ahaatee ammaankeeda uu wanaagsan yahay, waxaana ay xarunteedu ku taallaa dalka Malaysia, iyadoo aanay shirkaddan weligeed ka burburin wax diyaarad ah.

Sanadkan ayaa la sheegayaa in Qaaradda Aasiya uu yahay sanad madow, kaddib markii labo diyaarado oo laga leeyahay Malaysia ay burbureen, kuwaasoo kala ahaa; MH370 oo bishii March ee sanadkan burburtay kaddib markii ay ka duushay Kula Lambur iyadoo kusii jeedday magaalada Beijing ee xarunta dalka Shiinaha, waxaana saarnaa 239-qof, taasoo illaa hadda aan la ogeyn meel ay jaan iyo cidhib dhigtay.

Diyaarada kale ee burburtay ayaa ahayd Malaysia Airline ee MH17 taasoo lagu soo riday hawada dalka Ukraine bishii July ee sanadkan; waxaana ku dhintay 298-qof oo saarnaa.