Nin Soomaali ah oo sita dhalashadda wadanka Ingiriiska oo jidh dil loogu geystay xabsiyo qarsoodi ah oo Maraykanku ku leeyahay Jabuuti, ayaa cambaareyn iyo dacwad caalami ah ka gudbiyey ciidamadda sirdoonka Maraykanka.
Ninkan Soomaaliga ah ayaa sheegay in tacadiyo loogu geystay xabsiyo kala duwan oo ku yaala dunida dacaladeedda, kuwaas oo lagu xidho shakhsiyaad looga shakisan yahay ama lagu tuhmo inay ka tirsan yihiin Kooxaha Argagixisada ah.
Nninkan Soomaaliga ah ayaa magaciisa la yidhaa Mahdi Xaashi oo ku dhashay dalka Soomaaliya, balse isaga iyo qoyskiisu u guureen dalka Ingiriiska horaantii sagaashamaadkii, ayaa ciidamada Sirdoonka dalka Maraykanka ee CIA-du sannadkii 2012 ku xidheen Xabsi qarsoodi ah oo ku yaala dalka Jabuuti, halkaas oo jidh-dil noocyo kala duwan ah loogu geystay, ka hor intii aan loo gudbin xabsi ku yaala dalka Maraykanka oo uu wakhtigan ku xidhan yahay.
Fadeexadda ninkani daboolka ka qaaday, ayaa soo baxday ka dib markii uu dhowaan dacwad ka gudbiyey Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da oo uu ku eedeeyey inay ku ciqaabi jireen xabsiga dhexdiisa wakhtigii uu ku xidhnaa gudaha dalka Jabuuti, iyada oo adeegsanaya, sida lagu xusay waraaq uu Qarankiisu dhowaan u gudbiyey maxkamad ku taala magaalada New York ee dalka Maraykanka. Mahdi Haashi oo isaga oo maxbuus ah xabsi dhexdii ku sugaya dacwadda uu ka gudbiyey Sirdoonka Maraykanka, iyada oo loo haysto eedaymo la xidhiidha kooxaha Argagixiso ah oo uu xidhiidh la leeyahay, waxaanay tani sababtay in dawladda Ingiriisku ay kala noqoto dhalashadii uu ka haystay bishii June 2012, taas oo wakhti yar uun ka horeysay ka hor intii aanay Sirdoonka Maraykanku ku qaban isaga oo ku sugan gudaha dalka Jabuuti.
Dokumentiyo ku lifaaqan dacwaadda uu qareenkiisa u gudbiyey Xafiiska Xeer-ilaalinta gobolka New York ee ka dhanka ah Sirdoonka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in muddadii uu maxbuusku xidhnaa xabsi CIA-du ku leedahay dalka Jabuuti loola dhaqmay si bani’aadamnimada ka baxsan, xadhigga iyo ciqaabta loogu geystayna ay ahaayeen qaar sharciga baalmarsan oo ay fuliyeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan CIA-da Maraykanka.
Waraaqaha ku lifaaqan iyo dacwadda uu Mahdi u gudbiyey waaraqaha Garsoorka ee Maraykanka, ayaa ku soo beegantay maalmo ka dib markii Guddiga Sirdoonka ee Aqalka Odayaasha Maraykanku ay soo saareen warbixinno ka deyriyey xaaladda ay ku sugan yihiin maxaabiista arrimaha argagixiso loo haysto ee gacanta ugu jira CIA-da oo jidh-dil ku sameeyey maxaabiis tiro badan muddadii u dhaxaysay 2002 ilaa 2007-dii, iyaga oo adeegsanaya farsamo ay xogaha iyo macluumaadka kaga soo saaraan dadka la tuhunsan yahay ee ay gacanta ku hayaan, taas oo ah garaacis iyo Jidh-dil noocyo kala duwan ah oo habeen iyo maalinba lagu sameeyo shakhsiyaadka la tuhunsan yahay.
Sida ay qortay jariiradda New York Times, dacwadda uu Mahdi ka gudbiyey CIA-da, ayaa u muuqata mid garownshiinyo ka helaysa waaxaha garsoorka ee Maraykanka, maadama oo Laamaha Ammaanka dalkaas laga joojiyey farsamada Jidh-dilka ah ee Xogaha lagaga helo dadka ka hor intii aan la xidhin Mahdi Xaashi.
Mahdi Xaashi ayaa wakhtigii la qabtay waxa uu fasax ugu yimid qaraabadiisa booqasho ugu yimid Soomaaliya, halkaasi oo uu ku guursaday, balse markii uu muddo ku sugnaa, ayaa waalidkii kala soo xidhiidheen dalka Ingiriiska iyaga oo ku war-geliyey in dawladda Ingiriisku kala noqonaysa Dhalashadii uu haystay, iyada oo waraaq lagu socodsiiyey waalidkii lagu sababeeyey xayiraadda la saaray baasaboorkiisa ka dib markii laga war-helay inuu ka tirsan kooxo xag-jir ah oo ka hawl-gala gudaha Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixinno iyo dokumentiyo ku lifaaqan dacwadda kiiska loo haysto.
Haseyeeshee, wargelinta dawladda Ingiriisku kaga xayirtay baasaboorkiisa, waxa bar-bar socday una saamaxay inuu ka doodo Xayiraadda iyo eedaymaha la saaray Sharci u dejisan dalka UK oo qofka u oggol inuu muddo bil gudaheed ah Racfaan kaga qaadan karo dacwaddiisa isla markaana uu isku difaaci karo. Sirdoonka Maraykanka ee CIA iyo Ka Ingiriiska Mi5 oo kor kala socday dhaq-dhaqaaqiisa iyo eedaymaha iyo tuhunnada loo haysto, ayaa sababtay in Mr Mahdi iyo laba nin oo la socdaylagu qabto gudaha dalka Jabuuti iyada oo looga shakiyey inay fulinayeen falal argagixiso, haseyeeshee Mr Mahdi, ayaa ku dooday in ujeeddada socdaalka uu ku tagay Djibouti ay ahayd maadaama oo aanay jirin wakhtigaas safaarad Britain ku leedahay Soomaaliya in meesha ugu dhow xafiis dibloomasiyadeed ama safaarad dowladda UK leedahay ay ku tallo dalka Djibouti uu tago.