Muqdisho, Somalia, December 22, 2014 (Codka Hargeysa) – Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Xafiiska ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya ee UNSOM Nicholas Kay, ayaa sheegay in aqoonsi la’aanta Somaliland ee laga soo bilaabo 1991-kii markii ay ku dhawaaqday inay gooni uga istaagtay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya illaa maanta oo 2014-ka la marayo oo aanay beesha caalamka ka helin iyo sidoo kale ka soo horjeedka Somaliland ee nidaamka federaalka Soomaaliya ay caqabad ku yihiin hirgelinta nidaamka federaalka ee Somalia.
Nicholas Kay waxa uu sheegay inay jiraan Maamullo dalka Soomaaliya ka dhisan oo taageersan nidaamka ismaamul-goboleedyada ee habka Federaalka ee ay dawladda Soomaaliya qaadatay, hase-ahaatee, waxa uu xusay in ay Somaliland ka soo horjeeddo nidaamkaas, isla markaana ku dooddo inay tahay dal ka gaar ah Soomaaliya. “Nasiib-darro-se aanay illaa hadda beesha caalamku u aqoonsan dal madax-bannaan,” ayuu yidhi Mr. Kay
Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Danjire Kay oo ka hadlayey wax-qabadka sannadkan dhammaanaya ee uu sameeyey Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo xaruntiisu taha Muqdisho, waxa uu shaaca ka qaaday in sannadka 2015-ka Afti dadweyne loo qaadi doono Dastuurka Ku-meel-gaadhka ah ee Federaalka Soomaaliya si uu u noqdo mid rasmi ah.
Mr. Kay waxa uu ku dooday in afti-dadweyne oo loo qaado Dastuurka Ku-meel-gaadhka ahi ay horseed u noqon karto, isla markaana aad u sahli karto in 2016-ka doorasho dadweyne oo ka dhacda Soomaaliya oo ay dadweynuhu si madax-bannaan u soo dooran karaan Madaxda hoggaamin doonta.
Wakiilka Xafiiska UNSOM Nicholas Kay, waxa uu sheegay inay kala duwan yihiin aragtiyaha Soomaaliya ee nidaamka Federaalka, iyadoo qaar ka mid ah ay Maamullada Soomaaliya ka jira qaarkood si buuxda u taageersan yihiin, halka ay Somaliland ka soo horjeeddo inay ka mid tahay Maamullada hoos-taga dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaanu yidhi: “Markaan eegno Somaliland. 1991-kii ayay ku dhawaaqday inay ka madax-bannaan tahay Soomaaliya inteeda kale, balse weli looma aqoonsan sidii dal madax-bannaan, taasina dhibaato gaar ah ayay ku tahay nidaamka federaalka iyo rabitaankooda aanay weli gaadhin-ba.”
Danjire Nicholas Kay waxa uu sheegay inkasta oo ay caqabado badani jiraan, haddana inay Qaramada Midoobay dedaalkeeda laban-laabayso, isla markaana ay taageero la garab-taagan tahay dawladda Soomaaliya iyo weliba caawimooyinka ay siiso shacabka Soomaaliyeed ee gargaarka u baahan, isagoo xusay inay Ururrada Midawga Yurub, Midawga Afrika iyo Urur-goboleedka IGAD-na ay sidoo kale meel-gaadhsiinta Soomaaliya ka wada shaqayn doonaan.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI
HALKAN KA DAWO: