HALKAN KA DAWO: Culimadda Gobolka Sool Oo Baaq U Diray Beelo Dagaallo Dhexmareen

0
406

Laascaanood, Somaliland, December 22, 2014 (Codka Hargeysa)-Culummada gobolka Sool, ayaa baaqyo nabadeed ka soo saaray dirir ka dhex taagan laba beelood oo wada dega goboladda Sool iyo Sanaag.

Culummada ayaa bulshada ugu baaqay in xiisadahan oo qaarkood sanado badan soo noqnoqdeen lasoo afjaro, waxaanay xuseen hadaan taa la yeelin cawaaqib xumada ba’an ay reebi doonto.

Sheekh Siciid Axmed Cadar oo ku hadlayay afka culummada ayaa isagoo ku sugan degmada Taleex ee gobolka Sool sheegay in dadaal badan loogu jiro sidii loo soo afjari lahaa colaadaha beelaha wada-dega Taleex, waxaanu ka codsaday muslimiinta inay gacan ka geystaan, wixii aan gacan ka geysan karinna ay ducada ku kaalmeeyaan. “Waxaan beelaha colaadu ku dhexmarayso galbeedka degmada Laascaanood ugu baaqaynaa inay u dhego nuglaadaan dadka ku dhex-jira ee wanaagooda ka talinaya,” ayuu yidhi Sheekh Siciid, wuxuuna intaas ku daray in dadka isku xil-qaamay hawshaas ay si cadaalad ah wax ku xaq-sooraan.

Sidoo kale, Sheekh Siciid ayaa baaq kaas la mid ah u diray beelo duleedka Ceeri-gaabo ee gobolka Sanaag oo ay u dhexeeyaan xiisado dhul dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay, isagoo ka codsaday inaanay marnaba illoowin walaaltinimadoodii.

Ugu dambeyn, culummada gobolka Sool ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanaa sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dilal ka dhacay qaar ka mid ah deegaannada gobolladan Sanaag iyo Sool, kuwaas oo u badnaa aanno qabiil.

Goboladda bariga Somaliland ayaa inta badan waxa ka dhaca dilal aanooyin ah, kuwaas mararka qaarkood ay sababto inay laba beelood galaan dagaal khasaare nafeed keena.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI

 

HALKAN KA DAWO: