Agaasimaha Guud Ee Wasaaaradda Dhallinyaradda Iyo Ciyaaraha Oo Soo Gunnaanaday Tababar Ku Saabsan Doorka Shaqo Abuurista Dhallinyaradda Dalka

0
393

Agaasimaha ciyaaraha 1 Agaasimaha ciyaaraha 2

Hargeysa, Somaliland December 21, 2014 (Codka Hargeysa) – Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyaradda, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa soo xidhay tababar muddo laba cisho ah uga socday 55-dhallinyaro ah Imperial Hotel, kaas oo ku saabsanaa doorta shaqo abuuris ee dhallinyaradda dalka.

Tababarkan oo ay iska kaashadeen wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaaraha iyo hay’adda Unicef oo ay ka soo qeyb-galeen aqoon-yahano, ardayda jaamacaddaha iyo bulshadda laga tirada baddan oo ka koobnaa wiilal iyo gabdho ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo wajihi lahaa caqabadaha shaqo la’aaneed ee ay haysta dhallinyaradda dalka iyo doorka ay shaqo ku abuuri karto.

agaasimaha ciyaaraha 5

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay kana war-bixiyey ujeedada ay u qabteen tababarkan iyo faa’iidada uu leeyahay Agaasimaha waaxda dhallinyaradda ee wasaaradda Md. Cumar Cali Cabdi (Sayid Cumar), waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Ugu horeyn waxaan u mahad-naqayaa dhallinyaraddiinan oo runtii aan odhan karayo waxaad  muddadii labada cisho ahayd ee aynu halkan tababarka ku qaadanayn waxaad muujiseen dedaal iyo sidii fikradihiina ku wajnaa doorta shaqo la’aanta aad u soo bandhigayseen waxaanan rajaynayaa inaad wax baddan ka faa’ideen. Waxaan sidoo kale aan halkan idiinka sheegaya in hay’adda Unicef oo marwalba ka wasaarad ahaan si fiican noola shaqaysa ay diyaar u tahay inay gacan ka gaysato horumarinta iyo dhiiri-gelinta dhallinyaradda dalka, waxaanan rajaynayaa in tababaro kale aynu iskugu iman doono” ayuu hadalkiisi ku soo koobay.

agaasimaha ciyaaraha 3

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Md. Xuseen Cismaan Xuseen oo ah masuul ka socday hay’adda Unicef, waxaana uu hoosta ka xariiqay faa’iidada dhallinyartu ka faa’idi karto tababarkan maadaama lagu gorfeynayay caqabadaha shaqo la’aanta iyo sidoo kale sida lagu abuuri karo shaqo. Masuulkan ayaa sidoo kale wasaaradda uga mahad-celiyay sida ay mar walba door muhiim ah uga qaadato horumarinta iyo dhiiri-gelinta dhallinyaradda dalka waxaana uu sheegay inay wada shaqayn fiican la leeyihiin wasaaradda ka hay’ad ahaan ayna qorshaha ugu jirto tababaro kale oo dhallinyaradda ay u qaban doonaan. Laba xubnood oo iyaguna ku hadlayay afka ka soo qeyb-galayaasha ayaa halkaasi ka hadlay, waxaana ay tilmaameen in tababarkani uu ahaa mid ay wax baddan ay ka faa’ideen iyaga oo uga mahad-naqay wasaaradda iyo hay’adda Unicef.

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay soona gunnaanaday tababarkii Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), waxaana uu si qoto dheer uga hadlay doorka dhallinyaradu ay ku abuuri karto shaqo iyo sidoo kale sida loo abaari karo caqabadaha ku hareeraysan shaqo la’aanta.

agaasimaha ciyaaraha 5

“Waxaa ii sharaf ah inaan halkan idiinku soo xidho tababarkan oo runtii ah mid aad muhiim u ah waxaanan filayaa inaad wax baddan oo idin anfacaya aad ka korodhsateen. Shaqo la’aantu waa mid jirta oo dalkeena weliba ku baddan laakiin adduunkii ayaa taas maanta inagala siman oo meel walba shaqo la’aan ayaa laga cabanayaa. Dhallinyaradeenu dedaalkoodu ma yara oo si fiican ayay wax u bartaan oo marka ay jaamacaddaha dhamaystaan waxay hiigsanayaan inay markaaba shaqo fiican helaan laakiin taas waxaa ka hor imanaysa fursadaha shaqada iyo dhallinyarada camalka la’a oo baddan, taas waxaan qabaa in lagaga bixi karo in xirfadaha dhallinyaradu bartaan oo aanay shaqada ku koobin inay xafiis fadhiistaan. Xirfadu waa muhiim bal u fiirso dadka maanta lacagta baddan shaqada ku helaa waa dadka xirfadlayaasha ah markaas waxaan idinku guubaabinayaa inaad taasna aad dedaal saartaan oo xirfadaha barataan. Tababarkan waxaan uga mahad-naqayaa macalimiintii casharada idin siinayay ee Sayid Cumar iyo Farxaan oo Sonyo ka tirsan iyo weliba hay’adda Unicef oo runtii tan iyo weligeedba si fiican ula shaqaynaysay Wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaaraha lana shaqayn doonta. Waxaan idiin rajaynayaa inaad maanta fikrad fiican ka haysataan shaqo abuurista iyo caqabadaha aad kaga bixi kartaan shaqo la’aanta ilaahayna waxaan ka rajaynayaa inaynu shaqo la’aanta ka bixi doono oo dalkeena loo soo shaqo tegi doono” ayuu hadalkiisi ku soo gaba-gabeeyay Agaasime Maxamed Dhabeeye.