Hargeisa, Somaliland December 20, 2014 (Codka Hargeysa) – xukuumadda madaxweyne siilaanyo ayaa galabta Hor istaagtay inn la soo gabo-gabeeyo, tar-tan ciyaar kubad cagta ah oo muddo ka socday caasimadda Somaliland ee Hargeisa, gaar ahaanna xaafadda sheikh Nuur ka tirsan Degmada Gacanlibaax. Tartaankas oo lagu magaac daray marxum Dr. Iidris Ibrahim Cabdi oo ahaa wasirkii xananada xoolaha ee xukumaadii madaxweyne Dahir Riyaale Kaahin.
Ayaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal markii u ogaaday in manta ciyaartii kama dambaysta ah lasoo gabo-gabaynaayo tartankaas, been abuur ama mu’amaarad ka samayee isagu tartan ciyaar kale oo koob kale ah ka dul-bilaabeem garoonkii lagu ciyaarii lahaa ee u ka socday tartaanki Koobka loogu magaac daray marxuum Dr. Idiiris.
Tartaankaas oo ay dhalinyaradu isku xil qantaay inay koob ciyaareed oo kubada cagta ah lagu xusaayay marxuumkaas. Ayaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ku wareejiyeey islaa garoonkas ciidaamo gaashaman, kuwaaso uu faray maamulka koobka dhigayay, inn aanay qaban Karin ciyaarta kama dambaysta ah ee koobka lagu kala qadayee laba kooxod oo wareega finaalka uu soo baxay.
Marwo Faadumo Siciid oo ah xaaski marxumka oo lagu mamuusay inn ay ciyaartaas finaalka ah gudonsisoo kooxda ku gulaysata koobka, ayaa warbaahinta u sheegtay in aanay garaneyn sababta keentay in la joojiyo koobkan.
Waxaa kale oo wasiirku galaabta uu garoonkii ku qabtay koob u sheegay in lasoo gabo-gabaynaayo ciyaar ann hore loo shaacin bilowgiisa, kaaso u sheegay in lagu-soo gaba-gabaynaayo garoonka loguna magaac daray marxuum isla marxumka Dr. Idiiris. Waxana laa yaab ay ku noqotay shacabka ku dhaqan xaafadda sheikh Nuur kuwaaso sii weyn uga xummaaday inqilaabka intaas le’e g ee ay masuuliyiinta xukuumadda Siilaanyo kula kacayso dadka ka shaqeeya arrimaha Bulshada.
Lama ogga sababta oo uu wasiirka Ciyaarahu gelisay ficiltaanka intaas le’eg markii u maqlay inn ciyaar kubadeed oo lagu mamusay marwo Faadumo siciid inay soo gabagabayso tartaanka koobka ah, waxaanay wararku sheegayan inuu wasiirku Beryahanbaa u il-gaar ah ku hayeey tartankan ciyaaredkan oo muddo laba bilood ah ka socday xaafadda sheikh Nuur.
Mar ann laa xidhidhnay dhinaca khadka telefoonka Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Sicid Raygal sii ann uu waydino arrimahan, waxa uu wasirku igu jawaabay inn anuu ka war hayn koobkan lagu xusayee marxum Dr. Idriss oo mudo ka socday xafaada sheikh nuur ee degmada gacan libaax.
“Adeer kama war qaabo tartaankas iyo koob ann yidhi igu soo wareejiya, wax shaqo iyo lug toona ann ku leeyahay tartaankas maa jirto.” Sidana waxa yidhi wasirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Sicid Raygal isagu anuu ka waraysanay khadka telefoonka ka hor intan garoonka ciyaarta lagu qabaan.
Faadumo siciid Ibraahin ayaa iyaddu ah sheekhsi oo ay bulshadda reer Somaliland si weyn u jeceshay gaar ahanaa dhalinyaradda oo mudo dheer ay kala shaqeysoo arrimo badan sida qabashada ciyaaraha kala duwan.
Dhalinyaradda ay uu soo qabatay koobab badan. Waxaanay marwo Fadumo si weyn uga shaqaysaa arrimaha bulshadda, talaabadan ay ku dhaqaaqday xukuumadda uu hoggaamiyo Axmed Siilaanyo ula dhaqantoo marwo Fadumo Sicid sii cadowtiimo leh, kuna luumiso wakhti badan xagaa ay ahayd inn ay iyadu ay ku tageeri lahayd muwaadiinkaas is xil qaamay sii taabarucnimo inn xogiisi iyo maalkiisi ku bixiyo dhalinyarta dalka.