Boorama, Somaliland, December 19, 2014, (Codka Hargeysa) – Wafdi u horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylci ayaa shalay soo gaadhay magaalada Boorama. Wafdigan oo ay magaalada si diirran ugu soo dhaweeyeen Xubno ka tirsan golaha wasiirdda oo hore u sii joogay magaaladaas, badhsaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir, Maayarka magaalada iyo Dadweyne tiro badan ayaa markii uu ku degay gurigiisa Boorama saxaafadda uga warramay ujeedada socdaalkiisa Magaalada isagoo yidhi “Waxan u imid hawlo qaran oo ay halkan ay hore uga sii wadeen lix wasiir iyo maamulka gobolku waxaan ka tashan doonaa wixii dan u ah dadweynaha iyo maslaxaddeenaba, waxaan kulan la yeelan doonaa qaybaha dadweynaha hogaamiye dhaqmeedyadda, xildhibaanadda meel isku mid ah oo aan ku doonno dal horumar iyo barwaaqo, Wixii inaga qaldmayna aan dib u sixi doonaa innagoo gacmaha is haysanna.”
Wafdigan Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku biiri doona masuuliyiin ka tirsan xukuumadda si madaxweyne ku xigeenku u sii xoojiyo dedaalka loogu jiro sidii loo waajihi lahaa hadal ka soo yeedhay Suldaan beeleed reer Boorama ah oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan Somaliland.