“Bulshadda reer Somaliland waxaan ugu bushaaraynayaa in shirkadda NAJAX ee dhismayaasha guryaha u keentay khuburo ku takhsusay dhismayaasha kala duwan una dhisi doonta qaabab casri ah oo tayo iyo quruxba iskugu darsaday” maamulaha guud ee shirkadda Najax construction
Hargeysa, Somaliland, December 19, 2014 (Codka Hargeysa) – Maamulaha Guud ee shirkadda Dhismaha guryaha ee Najax construction Company Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Ciise ayaa shalay dalka keenta Injineero khuburo ah oo ku takhasustay dhismaha guryaha, kuwaas oo dalka ka hirgalin doona guryo tayo iyo qurux isku darsaday.
Eng. Cabdraxmaan Maxamed ayaa sheegay in khuburadan ay ka faa’iidaysan doonaan shaqaalaha shirkadda NAJAX, isla markaana dalka looga faa’iideyn doono si ay caasimadda iyo magaalooyinka ugu soo kordhin lahaayeen guryoyaal qurux badan oo ka qaybqaata bilicdda magaalooyinka dalka.
Maamulaha guud ee shirkadda dhismaha guryahay ee NAJAX Construction Company oo madaarka Hargeysa ka soo degay, isla markaana qolka nasashadda ugu waramayey warbaahinta ayaa hadalkiisa ku bilaabay“waxaan Salaamaya dhamaan dadka isoo dhoweeyey, Shaqaaalaha Najax Contruction, ilaahayba uga mahad naqayaa dib igu soo celiyey wadankaygii iyo caasimadda Somaliland ee Hargeysa anigoo nabad qaba, waxaan dalka u wadda shaqaalle xirfad leh oo aanu ka faa’iidaysan doonno, wadankeenu wuxuu u baahan yahay shaqaale xirfad leh oo wadanka wax ku soo kordhiya oo aduunka la tartama, oo wadanka bilic ku soo kordhiya guryaha, wadooyinka iyo dhismayaasha kale, Dubayba maalin bay ahayd Tuullo yar maaanta waa loo dalxiis taga dalkii lahaa ayaa u tashaday iyagoo u adeegsaday ragaasi ila socda, waxaana Dubay dhisay waa Hindidaas ila socota oo kale, Hindidaasi dhistay uun baan doonaya inay Hargeysa dhisto, laba siyaabo waan uga faa’iidaysan doonaa xirfadda shaqaalaheena ayaa ka reebanaya, qodobka labaad waxa weeyi dalkeena ayey uga faa’iidaynay wax fiican oo qurux badn oo tayo leh, waxa aad uga faa’iidaystay shaqaalahan xirfadda leh shirkadda Najax contruction oo meel fog ka doontay khabiiradan, marka waxaan usoo jeedinaya sida shirkadaha kale waa inuu qof kasta wax ku soo kordhiyo wadankeena oo mid caafimaad wax ku soo kordhiya iyo mid adeegyo kaleba ku soo kordhiba waa inaynu dadaal samaynaa.”
Maamulaha shirkadda dhismaha ee Najax ayaa sheegay inay shaqaalahan xirfladda leh ay ka kooban yihiin toban qof oo Hindi ah kuwaas oo lix ka mid ahi la socdeen, halka afar kalana ka daba imanayaan, isagoo shaqalahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ imika waxa ila socda lix injineer oo hindi ah, Afar kalana way iga dambeeyaan, dhamaantoodna waa Hindi, waxaan wadda ilaa lix injineerin oo mid walba wax ku takhasusay, waxa laga yabaa inuu qof kastaba labaatan qof wax ka bartaan, aqoontuna waxay ku fiican tahay in waxa aanad haysan meelo kale ka doonan kartid, hidana waxa gurta Maraykanka, marka wax maraykanku qaadaba maxa Somaliland ka maanacay”
Maamulaha shirkadda dhismaha ee NAJAX Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Ciise waxa uu bulshadda Somaliland ugu bushaareeyey inay ka faa’iidaysaan, isla markaana ay Injineeradan dhisi doonan guryo qurux iyo Tayaba iskugu darsaday, waxaanu yidhi “Bulshadda reer Somaliland waxaan ugu bushaaraynayaa in shirkadda NAJAX ee dhismayaasha guryaha u keentay khuburo ku takhsusay dhismayaasha kala duwan una dhisi doonta qaabab casri ah oo tayo iyo quruxba iskugu darsaday,wadanka waxa badan ku soo kordhin doonna, waana inay ka faa’iidaystaan mudadaasi shirkadda la joogaan, waxana ku boorinayaa inay ka faa’iidaystaa oo ninkii nasiib leh wax ka dhisto NAJAX Construction Company oo idin keentay shaqaale xirfad leh.”
Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Eng: Gauran Shahma oo ka mid ah khuburradda shirkadda NAJAX dibadda ka keensatay, ayaa sheegay inay wax badan ka qaban doonaan dhismayaasha wadanka laga hirgalinayo, isla markaana ballanqaaday inay dhisayaan dhismayaal qurux iyo Tayaba leh.
Shirkadan NAJAX ee dhismaha Guryaha ayaa ah shirkad si weyn uga qaybqaadatay horumarinta iyo qurxinta guryaha dalka laga dhiso, isla markaana guryo badan oo kala duwan ka dhistay wadanka, waxaanay khabiiradan Hindidda ahi dalka ku soo kordhin doonaan guryo qurux iyo tayaba iskugu darsaday.