Arabsiyo, Somaliland December 19, 2014 (Codka Hargeysa) – kulan lagaga hadlayey horumarka degmada Arabsiyo oo lagu qabtay isla degmadas ayaa waxa ka soo qayb aqoonyahano iyo xildhibaano.
Kulankansi oo ka qabsoomay hudheelka Ala Amin ee magalada Arabsiyo waxana soo qaban qabiyey Muxiyadiin Cabdi Cali Barkhad iyo dhaliyaro kale ka hawl galay sidii degmada Arabsiyo laa jaanqadi lahayd horumaarka ka socda deganada qaarkod ee degmoyinka gobolada dalka.
Waxana ugu horayn kulankaas ka hadlay Muxiyadiin Cabdi Cali Barkhad isagu sheegay inuu ku faraxsan yahay qabashada kulankan isagu mahaadnaaq baladhan ugu mahad celiyee ka soo qaybgalayaha sababta marka ugu horeysay uu shirkan ababuulkiisa iyo qabashadisa xil weyne iska saraay sidii gacmaha laa iska qaban lahaa oo laga wada tashado danaha degmada Arabsiyo ee dhanka horumarka ah.
Waxa kalo isna kulankas ka hadlay Eng. C/raxmaan Cali Danfe oo mahadnaaq baladhan uu soo jeediyee ka qayb galayaasha shirkan, waxana hadaladisa ka mid ahaa. “Magaaladdan oo runtii add uu hooseyoo tayada waxbrasho ee Dugsigii Sare degmadda, waxana waajib inagu tahay sidii aynu kor ugu qaadi lahayn oo ay meesha uga bixii lahayd in Waxbarasho loo doonto Hargaysa.”
Sidoo kale waxa isna hadal yar oo kooban ka jeediye Dr. Ciise Cabdi Jaamac oo ah masuul Madaxa HR-ka Wasarada Caafimaad iyo Ururo Caalamiya ay ka mid yihiin hayada cafimaadka ee MSF, isagu sheegay inn uu mahad cidii ka dambaysay ababulkan oo runti ahaa mid muhiim uu ah degmada iyo dadka ku nool.
Waxa culayska uu saray Dr. Ciise sidii qorshaha horumarineed aynu ajandaha ku darsano sidii ay uyeelan lahayd magaaladu Cisbitaal ay xaqa ulahayd, isagu ku sababeyee inn madaama ay degmadu hoos yimadan tuulooyin badan oo anay uu dhoweyn meesha keliya uu dhowna tahay Gabiley ama Hargeysa.