Mudanayaal Ingiriis Ah Oo Baarlamanka Yurub Hordhigay Su’aal Xujo Ah Oo Muujisay Qadiyadaha Somaliland Iyo Falastiin Oo Loo Kala Eexday

0
373

Strasbourg, France, December 19, 2014 (Codka Hargeysa) – Xildhibaanada Xisbiga Madax Banaanida ee Dalka UK, ee Baarlamaanka Yurub ku jira, isla markaana u ololeeya Aqoonsi ay hesho Somaliland, ayaa dood adag oo ay ka soo jeediyeen Fadhigii maalintii Arbacadii dorraad uu Baarlamaanka Yurub ku aqoonsaday madaxbanaanida Falastiin, waxaanay ku doodeen in Komishanka Yurub hore uga marmarsiyooday soo-jeedin ay Xildhibaanadani ku doonayeen in Midowga Yurub hoos u eego aqoonsi ay hesho Somaliland.

Xildhibaan James Carver oo ka tirsan Xisbiga UKIP, isla markaana ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Midowga Yurub, ayaa doodiisii uu ka jeediyay Fadhigaas Baarlamaanka Yurub Arbacadii dorraad ugu coddeeyay aqoonsiga Falastiin, waxaa ku sheegay in 3-dii bishii September ee sannadkan uu su’aal qoraal ah oo uu u diray Komishanka Yurub ku weydiiyay in Midowga Yurub awood u leeyahay inuu aqoonsado Somaliland, hase yeeshee jawaabtii su’aashiisaas oo uu Komishanka Yurub ka helay 24-kii bishii October ee sannadkan, oo Madaxweynaha Komishanka Yurub ugu soo jawaabay inaanay Midowga Yurub awood u lahayn inay aqoonsadaan madax banaanida Somaliland iyo dal cusub toona.

Mudane Carver ayaa qaylo iyo sawaxan badan kala kulmay xildhibaanadii kale ee fadhiyay fadhigaas, kuwaas oo dhawr jeer doodiisa buuq geliyay, iyadoo guddoomiyihii fadhiga Baarlamaanka Yurub guddoominayay isna isku dayey inuu mawduucaas ka dhigo mid ka duwan ka loo fadhiyey, hase yeeshee Mudane Carver ayaan ka tanaasulin doodiisa, waxaanu aakhirkii ku guulaystay inuu doodiisa sii wato, isagoo ku dooday in haddii sharci ay u heleen inay aqoonsadaan Falastiin, ayna sidoo kale sharci u helayaan inay aqoonsadaan Somaliland, oo ay soo dhigi doonaan, waxaanu yidhi: “Waxaan muddo dheer taageersanaa madaxbanaanida dal kale oo muslim ah oo Somaliland la yidhaahdo, 3-dii bishii September, sannadkan waxaan Midowga Yurub ugu gudbiyey qoraal su’aal ku saabsan aqoonsiga Somaliland, waxaanan jawaabtii oo aan helay 24-kii October ee sannadkan uu Komishanka Midowga Yurub ku sheegay Komishankyu ma laha awoodda ay ku aqoonsadaan dal, laakiin taas waxa awood u leh waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub oo keli keli ah, sida Sweden.”

Sidoo kale Mudane Nigel Farage oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Yurub, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Madaxa Banaanida ee dalka Ingiriiska (UKIP), oo isna dooda fadhigan ka qayb-qaatay ayaa taageeray doodad ku saabsan aqoonsiga Somaliland ee Mudane Carves soo jeediyay, waxaanu doodiisii ka mid ahayd oo uu yidhi:  “Gudoomiye Baarlamaan, dhowaan saaxiibkay Mr. Carver waxuu Midowga Yurub u qoray qoraal uu kaga dalbanayo aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland, taas oo loogu soo jawaabay inaan Midowga Yurub lahayn awood iyo xaq sharci oo uu ku aqoonsado dal cusub, runtii taasi hadda ma dhicin,. Si haddaba tani sharci u noqoto, fadlan immika ma aqbalaysaa inaad dalabkaa u codeynta madaxbanaanida Falastiin ku laasho, mise [isagoo farta ku fiiqaya haweenayda ka soo jawaabtay su’aashii aqoonsiga Somaliland ee xildhibaanka hore weydiiyay] waxaa sharci noqonaysa inaad u sheegto Midowga Yurub inay soo riixaan ama soo dhigaan aqoonsiga Somaliland si Baarlamaanka Yurub cod ugu qaado.”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Yurub ee fadhigaas guddoominayay ayaa su’aasha Mudane Nigel kaga jawaabay in mooshinka aqoonsiga Falastiin ee fadhigaas codka lagu ansixiyay, aanu ahayn mid sharci-dejineed, balse oo yahay keliya Mooshin siyaasi ah (political document) oo go’aan lagaga gaadho ama lagu taageero dal, “sidaas ayaanu ku fulay” ayuu yidhi guddoomiyaha Baarlamaanka Midowga Yurub.

 

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI