Waxaan goob jog u ahaa oo u taagnaa kana qayb gallay xafladdii daah furka bug qiimihiisa aanan qalin koobanahan ku soo urrurin Karin sinna, Fiidnimaddii 18-ka Bishan December, waxaan nasiib u yeeshay inaan kamid noqdo boqolaalkii qof ee ka soo xaadiray bandhiga buug cajiib ah oo uu qoray wiil dhallin yaro, cabqari ah, Eebena saree oo hufnaaye ku galladay maskax uu sidii ay ahayd u isticmaalayo.
Waa Garyaqaan Maxamed Cabdulkariim Axmed iyo bandhiga buuga Hal-beega Nolosha, Huteel Imberial ee Magaalada Hargeisa. Dhamaan dadkii ka soo qayb gallay waxay ahaayeen dhallin yaro, da’dooda u weyni afartankii ku dhex jirto, ma garan karo sababta dadkii waaweynaa ka reebtay ka soo qayb gallka xafladdaha qiimaha badan ee Akhriska iyo qoraalka lagu dhiirigalliyo.
Buuggan oo sida magaciisa ka muuqata dulucdiisu xambaarsan tahay – nolosha iyo waxyaabaha ku xeeran, marka aad dhex mushaaxdana aanad ka gayoonayn, sida xeesha dheer ee uu qoraagu ugu lafa guray dabeecadaha aadamaha , maamulka wanaagsan, qabiilka iyo foolxumadiisa iyo arimo badan oo xiise-hooda iyo xadantadoodaba leh, waxaanan marna ilaabi kari cinwaan yarrihii Buugaas oo ahaa halku dheg caan ah ama maah maah Soomaaliyeed oo odhanaysa.
“Awr Xamilkii wuu Qaadi Karaa – Xadhig Qaloocase Ma Qaado.’’
Dadkii madasha ka soo qayb gallay oo u badnaa qore-yaal , iyo aqoon yahanoba, intii wakhtigu u saamaxay inay weedhooda ka dhiibtaan macnaha iyo xogta ku duugan buugu, waxay dhamaantood ka marag kaceen, inuu ugu horeyn buugani ku biirayo, qoraalo tiro yar oo laga qorey Nolosha, mar labaadkana yahay buug qoraalada uu sido qoraagu saldhig iyo Tix-raac sugan uu uga dhigay, Axaadiis iyo aayado quraan ah.
Akademiyada Akhriska Iyo Qoraalka Himilo oo ahayd cidda Bandhiga u qabatay Buugan , waxay ahaayeen iyaguna dhallinyaro aan ahayn macaash doon laakiin u istaagay inay dhiiri galliyaan kaliya qoraalka iyo akhriska luuqadooda Hooyo.
Waa Unnug siday sheegeen xataa kharashka jeebkooda ku bixiya sidii ay u helli lahaayeen dhallin yaro iyo waayeel cid si uun u cabirta hibada eebe ku galladay ee ku kaydsan maankooda.
Maxamed Cabdikariim-na dhib kasta iyo daal kasta oo ka soo maray shaqaddii, wakhtigii iyo waayihii qoritaanka kitaabka Halbeega Nolosha, kaas oo inta aan ogahay la qaba buugaagta dhigiisa ah , faro yaraanta dadka ka faa’iidaysanaya , haddana waxaa hubaal ah inuu mar ay noqotaba helli doono jiil dhamaantood u heelan wax akhrinta.
Guntii iyo gunaanadkii , Buuga Halbeega Noloshu , waa mid u qalma aan odhan karo wuu ka qiimo badan yahay qiimaha yar ee Qoraagu ugu tallo gallay in shacabkiisa afka Soomaaliga ku hadlaa kaga helli karaan Goobaha lagu iibiyo buugta.
Caydaruus Sheekh Cumar Geedi
Hargeysa, Somaliland