‘”Ma jirto cid aan ku aaminaynno Somaaliland jiritaankeeda”
“Calanka Somaliland iyo Heesta Calankaba anaga ayaa samaynay.” Suldaan Xasan Xaddi Baade
Boorama, Somaliland, December 19, 2014, (Codka Hargeysa) – Xubno isugu jira salaadiin, waxgarad iyo cuqaal ku hadlay magaca beelaha Jibriil Yoonis ee deegaanka Boorama ayaa ka hor yimi go’aan ama baaq u dhawaan soo saaray Suldaanka Guud ee Beelahaasi Suldaan Wabar.
Suldaanka hadalkiisa odayaashu dabajoogaan ayaa waxaa uu dhawaan shaaca ka qaaday inuu Somaliland la gali doono dagaal ka dhan ah jiritaankeeda. Xubnahan oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay Huteel Rays ayaa sidoo kale jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay cuqaal ka tirsan beelaha kale ee reer Awdal.
Shir jaraa’id oo ay xubnahai ku qabteen Huteel Rays uuna ka soo qaybgalay Suldaan Cilmi Rooble Furre, oo dhawr jeer soo qabtay xilka taliyaha Guud ee ciidamada Booliska Somaliland ayaa ugu horreyn waxa ka hadlay Suldaan Xasan Xaddi Baade oo yidhi.”Waxaan halkan ka caddaynaynaa inaan nahay umad iyo beel ku abtirsata Somaliland, naf iyo maalna u soo hurtay dhismaha dawladnimada Suldaanku waa ka mid salaadiinta, laakiin waan goosanaynaa meesha ma taalo, in waxaan jirin la abuuro, mana jirto cid kale oo aan ku aaminaynno Somaliland jiritaankeeda iyo nabadgelyadeeda haddaan nahay Beesha Jibriil Yoonis, sideed sannadood baan madaxweyne ka ahayn, aaba jeerna madaxweyne ku xigeen baan ahayn, laakiin waan doonaynaa, nabaddana haloo wada dedaalo, ciddi dhinac u riixaysaa iyadaa cirka roob ku og waanan sugaynaa sedkayagii, Xamarna xoolo igama yaallaan, nooli lagu tegana ma haystaba, Somaliland ha noolaato.”
Xuseen Cawaale Warfaa oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Dadkani waa dadkii sameeyay dawladnimada maanta aan sheeganaynno Soomaalidu waxay tidhaa. ‘ninna dhalasho ayuu kuugu dhiidhiyay nin dhuuni buu kuugu dhegeyaa,’ waa dadkii u badheedhay inay Burco ama Sheerkh ku soo jiidaan shirkii Boorama, waan keennay, odayaashii dhexda intay ku soo jireen lagu furtay ee iyagoo cagaagan noo yimi sidaan ka yeellay waa la ogaa Xaaji Cabdi Waraabaa ogaa, allaha u naxariistee Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar baa ogaa, maalintii calanka halkaa lagu jeex-jeexay annagaa soo samaynnay maanta, tunkayaga ayaa lagu daaqayay, ninka leh waa na looga baqayaa isagoo looga baqayaa, cid nooga biqi kartaana ma jirto. Cabdiraxmaan Saylaci isagoo jooga ayaan nidhi annagaa qaban,300 oo nin ayaan dul dhignay si aan u ilaalino ergeda iyo shirkaba, calankaa annagaa samaynnay, heesta calanka Somaliland dadkii sameeyey baan nahay, Marxuum Xasan Sheekh Muumin baa sameeyey, dadbaa yidhaa Kaadibaan u soo cabnay run hadii la sheegayo annagaa u soo cabnay. Abaalkayagii reer Somaliland way na siiyeen oo madaxweynaan ka noqonay, waanan ka noqon doonaa, waxase aan doonaynaa inaa caddaynno sida beeshani u tahay udub dhexaadka dawladnimada Somaliland ”
Waxa kale oo iyaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay xubno ka tirsan waxgaradka beesha oo halkaa ka caddeeyey inay adkaynayaan nabadgelyada ,soona dhaweynayaan cid kastoo ku dedaalaysa in Somaliland caddaladi ka dhacdo, gobolkana xaqiisa ka siisa dawladda.
Hadalka ka soo yeedhay oday dhaqameedyada iyo waxgaradka Beeshan ayaa noqonaya hadalkii ugu horreeyay ee beeshaasi ku diiddo gooni goosadka Suldaankoodu ku dhawaaqay dhawaan.