UCID Oo Hanjaabaad Aan Looga Barran Hawada Mariyay Ka Dib Xadhig Iyo Dhaawacyo Soo Gaadhay Taageerayaal

0
362

“Hadii Markii Hore Madaarka Lanaga Joojin Jiray Waxaa Ciidanka Lagu Amray In Nalaga Joojiyo Dariiqyada”

“Waxaanu la socodsiinaynaa haddii ay 24 Saac ku soo dayn waayaan in aanu Jeelka kala soo bixi doono”

 DSC_0310 DSC_0311

Hargeysa, Somaliland, December 16, 2014 (Codka Hargeysa)-Taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa shalay si diiran usoo dhoweeyey musharaxa madaxweynaha xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen oo muddo dibadda kaga maqnaa dalka.

Boqolaal ka Mid Ah tageerayaasha xisbiga UCID ayaa Caleemo Qoyn iyo astaanta Xisbiga Ucid Ku soo dhaweeyey Musharaxa ka dibna xarunta dhexe ee xisbiga ayaa loogu sameeyey barnaamij balaadhan oo loogu soo dhoweynayo.

Taageerayashan oo markii  hore loo diiday inay madaarka ku soo dhoweeyaan, ayaa mar labaadna loo diiday inay jidka madaxtooyadda hor maraan taasoo ciidanku ka hor istaagay, isla markaana ay isku dhici gaadheen Taageerayaasha xisbiga iyo ciidanka amnigu, waxaana taageerayaashan markii dambe qasab ku noqotay inay amarka ciidanka maqlaan, kuwaas oo jidadkii kale ee u banaanaa maray, hase-yeeshee taageerayasha xisbiga Ucid oo dhalinyaro u badan ayaa mar isu tabiyay fariin aan jirin oo sheegaysay in la xidhay Jamaal Cali Xuseen kuwaas oo hal mar orod ku soo gooyey, isla markaana doonay inay kala xidhaan wadooyinka madaxtooyada soo gala, haseyeeshee waxa markii dambe lagu wargaliyey in aan warkaasi waxba ka jirin, isla markaana Jamaal soo wareegayo, taas oo ay ku degeen dhalinyartii ka dibna dib ugu noqdeen xaruntii xisbigooda oo ay ku sugayeen.

DSC_0304-300x199  DSC_0255

Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Musharax Xigeenkiisa Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa markii dambe si adag uga hadlay Fal ay sheegeen in xukumaddu kula kacday Madaxda Xisbiga iyo Taageerayaashooda oo Ciidan RRU ahi Kaga hor istaageen inay maraan Jidka Madaxtooyada hor marta. Waxay ballan qaadeen inay Mucaaradad balaadhan ku hor istaagi doonaan Kulmiye iyo Xukumaddiisaba.

Masuuliyiinta Ucid ayaa ku tilmaamay wax aan loo dulqaadan karin dhaqanka xukuumadda ee ka dhanka ah mucaaradka.

DSC_0331 DSC_0311

Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayay sida loola dhaqmay iyo falalka ciidanka amnigu kula kaceen waxa uu yidhi“Laga bilaabo Maanta maaha wax loo dul-qaadan karayo waxa dalka ka socdaa. Waar ma wax loo dulqaataaba in naloo diido Dariiqii Madaxtooyada hormarayay ee aanu maraynay, haddii anagoo Madaxda Xisbiga ah sidaa nalagu samaynayo Idinka(Shacabka) maxaa la idinku samaynayaa, ma wax loo dulqaataaba in toban qof oo ka mid ah dadkii I soo dhaweynayay maanta la xidho oo ay Xabsiga ku jiraan. Siilaanyo-na si fiican u seexan maayo dadkayagana la dhibaatayn maayo.Ciidamada Qaranka waxaan u sheegayaa waar Amarkan la idin siinayaa waa wixii dadku ka dagaalamay, waxaan idin leeyahay ha qaadanina Amarka aan saxda ahayn”.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inay Mucaaradad adag ku qaabilayaan Xisbiga Kulmiye iyo Xukumaddiisa “Wixii maanta halkaas ka dhacay ee ay noo sheegeen(Boolisku) ee ay yidhaahdeen amar baanu haysanaa inaydaan wadadaas marin taas baa inoogu filan xaalka taagan. Waxaynu tusaynaa Kulmiye Mucaaradadoodii mid ku laban laab ah.Markaynu Mudaharaadayno waa inoo Madaxtooyada horteeda”.

Mar kale isagoo ka hadlaya Suldaanka Duurka ku jira ee Somaliland ka falaagoobay waxa uu yidhi“Ciidankii Qaranka Somaliland waa ciidan sharaf iyo Karaamo leh Mana Ah in Ciidankaas loo Adeegsado Falal Amniga lid ku ah,Madaxwayne waxaan ku leeyahay u yeedh Suldaanka waana suldaankaagii Ee tabashadiisa hoos u eeg,waad ogtahay Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Berbera in xaruntoodii lagu dhirbaaxay,Maantana waad arkaysaan in Ciidanku Xidheen xildhibaanadii Golaha Deegaanka Boorama waana ayaan Daro. Waxaan idin leeyahay Dalkii Fawdo ayaa ka jirta,Ciidan ayaa laysku adeegsanayaa..y,Waxaan leeyahay Maantadaas laga bilabo Noogu soo hagaaga Wixii aad samayn Jirtay Madaxwayne.”.

Mar uu ka hadlayey madax banaaneynta maamulka madaarada iyo lacagta lagu caawin lahaa waxa uu yidhi “Xoolihii umadda waa la boobayaa, waxaan soo maray Ingiriiska waxa la ii sheegay in laba milyan oo Ginni oo loogu tallogalay in  maamulka madaaradda la madax banaaneeyo, lacagtaasna waxa la joojiyey  bishi November 17 keeddii markii la madax bananayn waayey”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sheegay in xukuumadani ay cadaadis wayn saartay Xisbiyadii Mucaaradka Ahaa Ciidana u adeegsatay Haday Taageeradooda Muujiyaan.

DSC_0308

Musharax xigeenka Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa isna tilmaamay inaanay falalka Xukumaddu ahayn kuwo loo dulqaadan karo “Anagoo u sheegnay in Musharaxa Ucid imanayo oo Taageerayaashiisu soo dhaweynayaan baa haddana RRU dariiqa naloo dhigay, ma wax la qaadan karayaa baa,inay Xildhibaanadii Xasaanada lahaa oo aan Maxakamadi xidhan iska xidhnaadaan ma waxaynu qaadanaabaa.inta aan Maxakamad marin ee Jeelasha maanta ku xidhan ma xaq iyo wax la qaadan karaaba. Maalin hore ayaa Xildhibaanadii Ucid ee Berbera Gacan loola tagay oo la garaacay mana jirto Cid raali galin ka bixisay, waar dalkii wuu sii socdaa, wuxuu ku sii socdaa in Xukumaddii aynu dooranay maalin walba ku talaabsato wax amniga khalkhal galinaya.markii ay Bari soo gubeen ee aad ogtihiin waxay Burco ka samaynayaan, ee ay Berbera ka samaynayaan ee aad ogtihiin inay saqda dhexe Habeenkii dadka la baxayaan ee aad Ogtihiin Hargeysa gudaheeda Mushkaladdaha ka dhacaya, oo aad ogtihiin Galbeed oo ahayd meesha kaliya ee inoo fayow tabashadii ay tabteen ee Suldaanku ka cadhooday ee uu yidhi waa inaynu baxno ee Shacabkiisii yidhi bixi mayno ee dalka waynu dhisaynaa ayaa waxa la wadaa in Ciidankii qaranka inta laga horgeeyo shacabka lagu kiciyo. Waxaad u diyaar garoobaysaan maanta laga bilaabo haddaanu ahayn Mucaarad qabow waxaanu noqonaynaa Mucaaradk Kulul, waxaanu ku baaqi doonaa Banaan baxyo aanu ku xaqiijinayno Amniga,Dimuqraadiyada iyo rabitaankeena”.

“Ciidanka Amniga waxaanu u haynaa abaal iyo wanaag, Ciidanka waxaa la siiyay amar ah in haddii markii hore Madaarada nalaga joojin jiray haddana nalaga joojiyo Dariiqyada.Waad arkaysaan dalkii halkuu marayo, Sharciyaddii dhulkay inooga dhacday, waxaa Xabsiyada ku xidhan XIldhibaanadii Bulshadu dooratay oo iyagoo aan Xasaanad laga qaadin oo aan Maxakamadi Xidhan Xabsiyada ku jira” ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdillaahi, ayaa isna ka hadlay meesha. Waxana uu sheegay inay jiraan Dhaawacyo loo gaystay Taageerayaashooda iyo dad Boolisku xidhxidhay “Waxaanu Shacabka reer Somaliland ee wanaagsan u sheegaynaa in maanta Xukumaddu dhaawac iyo Khasaare u gaysatay Taageerayaasha Ucid  badhna ay xidhan yihiin. Shalay ayaanu warqad u qornay oo aanu u sheegnay inay Ciidanka Booliska iyo ka nabad galyada wadooyinkaba ay nala socodsiiyaan in musharaxu soo degayo.Waxaanu la socodsiinaynaa in haddii ay 24 Saac ku soo dayn waayaan aanu Jeelka kala soo bixi doono” ayuu yidhi Xoghayaha Ucid ee Warfaafintu.