Shaacinta Urur Ay Isu Abaabuleen Gaadiidka Iskarogooyinku Oo Shaki Galiyay Ciidamada Amaanka

0
355

Hargeysa, Somaliland, December 15, 2014 (Codka Hargeysa)-Ururka Iskaashatadda gaadiidka Iska Rogooyinka ayaa munaasibad ay ku shaacinayaan hogaankoodda ku qabtay beerta Xoriyadda, taas oo ay ka soo qaybgalleen masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee gobolka Maroodi jeex.

Munaasibadan waxa goobjoog ka ahaa badhasaabka gobolka Maroodi jeex, Maayar ku xigeenka Caasimadda, xoghayaha gobolka Maroodi jeex iyo Dirawaliinta Gaadiidka iska rogooyinka gobolka Maroodi jeex.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay gudomiyaha ururka Iskaragooyinka Somaliland Kayd Maxamed Axmed, oo ka warbixiyey sida uu ururka iskaashatooyinku u dhismay oo sheegay inay ku qaadatay muddo dheer si loo hirgaliyo ururkan.

DSC_0228

Guddomiyaha iskaashatadda Iskarogooyinka Kayd Maxamed oo halkaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ waxaanu isku keenida iyo hirgalinta ururkan nagu qaadatay muddo lix bilood ah waad garanaaysaa mudadda intaas leeg baaxadda ay leedahay, iska rogooyinkuna way ka badan yihiin shan boqol oo iska roggo waana arrin adag sidaad iskugu keeni lahayn iyo sidaan u waddi lahayn.”

Sidoo kale, Maayar ku xigeenka caasiamdda Cabdicasiis Maxamed Xaashi Cago weyne iyo Badhasaabka gobolka Maroodi jeedMaxamed Maxamuud Xaaji Jeeni-Yare ayaa iyaguna soo dhoweeyey, isla markaana sheegay in wada shaqeyn fiican wada yeelan doonaan si amniga iyo wax wada qabsiga u wada yeelan lahaayeen.

DSC_0221

Dhinaca kale, ismaan dhaaf ayaa markii hore soo kala dhexgalay iskaashatadan iyo ciidanka booliska ka dib markii iyagoo la ogeysiin iska rogooyin fara badan ay ku soo xareeyeen beerta Xoriyadda, waxaana taasi keentay in Boolisku iska hortaago una qaato inay mudaharaadayaan, haseyeeshee markii ay is afgarteen  waana loo fasaxay hawshoodda.