Hay’ada USAID Oo Maalgalinaysa Balaadhinta iyo Horumarinta Abaarso School

0
382

Hargeysa, Somaliland December 16, 2014 (Codka Hargeysa) – Dugsiga Abaarso School oo kuyaala tuulada Abaarso, ee magaladda Hargeysa cassimada Somaliland iyo hay’ada laga leeyahay dalka Maraykanka ee Horn of Africa Education Development Fund (HED) ayaa wada saxexay heshiish laa saxexeen xafiiska USAID ee ka cawiyaa dhanka waxbarashada iyo cusbitaalada Maraykanka ah ee oo loo yaqaano (ASHA).

Ugu horeyn waxa munasibada ka hadlay Jonathan Starr, oo ah gudoomiyaha iyo asaasaha Dugsiga Abaarso School isagu ka warbixiye muhimadaa uu leeyahay heshiskani iyo sidii loo baladhin lahaa fasaladda ardaydu wax ku bartaan. Waxana hadaladiisa ka mid ah: “Waxaanu si weyn ugu faraxsanahay in ASHA ay maalgalinayso horumarinta Dugsiga Abaarso, waxaanu sidoo kale aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa cid walboo ka qayb gashay isku dabaridka waxqabdkan. Heshiiskan ay hay’ada USAID ku maalgalin doontaa Dugsiga Abaarso si uu dugsigu waxbarshadiisa ugu fidiyo illaa iyo 250 arday sanad walba. Waxyaabaha uu heshiiskani ku soo kordhin doono Dugsiga Abaarso ayaa ka midyihiin dhismaha fasalo cusub, qolalka ardaydu seexdaan, laba computer lap oo cusub iyo hool weyn. Maalgalintan ay ASHA bixinayso ayaa waxa ay arday badan oo Soomaliyeed u suurtogalin doontaa in ay ka faa’idaystaan waxbarshada heerka sare ee Dugsiga Abaarso bixiso.”

Annad Desai, oo ah gudoomiyaha hay’ada HED ayaa isna dhankiisa mahadnaaq baladhaan uu soo jeediye hayada USAID iyo qadhaanbixiyasha ku nool dalka Maraykanka, oo ku tilmaamay inn ay kaalin mug leh ka qataan cawimooyinka waxbarasho. “HED iyo deeqbixiya yaasha ku nool Maraykanku waxay hogaanka u hayeen maalgalinta Dugsiga Abaarso illaa iyo wakhtigii dugsiga la aasaasay. Deeqdan cusub ee ay ASHA bixinayso waxa ay tusaale kale u tahay sida aanu daacada ugu nahay horumarka iyo taageerka Dugsiga. Inkastoo uu Dugsiga Abaarso yahay mashruuca kaliya ee aanu ka wadno Somaliland, waxa aanu ka fikiraynaa sidii aanu mashruucan uga sii balaadhin lahayn in ka badan Dugsi dhexe iyo sare oo kaliya.”

Gudoomiya hay’ada ASHA, Katherine Crawford, ayaa iyaduna sheegtay “Waxbarashada dhalinta Soomaliyeed waxa ay laga maarmaan u tahay shaqo abuurinta iyo horumarka wadanka dhaqaalihiisu iyo ganacsigiisu soo korayo. Dugsiga Abaarso waxa u fidinayaa waxbarasho qaaliya iyo fursado ganacsi dhalinyarta Somaliland ee soo koraysaa, xafiiska ASHA aad ayaa uu ugu hanwaynyahay in ay maalgaliso balaadhinta Dugsigan.”

Isna waxa Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland, Mohamed B. Yonis oo sheegay heshiskani waxa uu door weyne ka ciyaari dona xoojinta xidhidhka Somalilanderska iyo Maraykanka sidii ay iska kashaan lahayeen hormaarka dugsiga iyo dalkaba. Waxana uu wasirku hadaladisa ka mid ahaa:  “Abaarso waxay ay tusaale weyn u tahay Somalilanders iyo Maraykan iska kaashanaya sidii ay u horumarin lahaayeen Dugsi ay waxbarashidiisu iminka tahay mid ka mida kuwa ugu sareeya qaarada Afrika. Somaliland waxay ku soo dhawaynaysaa hay’ada USAID ka qaybqaadashada iskaashigan. Tani waxay calaamadinaysaa talaabo qaaliya oo ay labada dhinac isla qaadayaan.”

Abaarso School waa dugsi dhexe iyo sare oo loogu talogalay horumarinta cilmiga iyo shaqsiyada guud ahaaneed ee ardayda soomaaliyeed, si ay dalkooda iyo dadkooda u anfaci lahaayeen.

Hay’ada iskuulaadka iyo cusbitaalada Maraykanka ah ee ku yaala dalka dibadiisa (ASHA), waa qayb ka tirsan hay’ada USAID oo caawisa iskuulaadka, laybareriyada, iyo xarumaha caafimeed ee ku kala yaala dalka Maraykanka dibadiisa, kuwaasoo ah xarumo tusaaleeya fikrahada iyo horumarka dalka Maraykanka. ASHA oo la aasaasay 1957, ayaa ilaa hada waxay caawisay 272 urur oo ku kala yaala 79 wadan.

XIGASHO: Abaarsoschool.com