Xor baan ahaye ha i Xujayn! W/Q. Cabdiqani Iid Cilmi

0
335

Galladaha Ilaahay (SWT) innagu mannaystay ee uu innagaga faddilay makhluuqaadka intiisa kale waa caqliga ama maskaxda oo ah shay ku qaali ah aadamaha la’aantiina uu la sinnaan doono

xoolaha. Waa halka kali ah ee bani-aadamka kala gaddisa: ee qaar ka dhigta qoom ku guulaystay nolosha; qolona ka dhigta qaar khasaaray. Waa xubin haddii aynnu isticmaali lahayn xataa 10% aynnu guul ka gaadhi lahayn nolosha kana takhallusi lahayn dhammaan waxyaalaha liddiga ku ah nolosha fiican oo ay ka mid yihiin dagaallada, gaajada, jahliga, i.w.m.

Alleh (SWT) caqliga waxa uu inoo siiyay in aynnu adeegsanno una adeegsanno ku-kala-garashada wanaagga iyo xumaanta, ku garanno waxa inoo danta ah ee inoo fiican iyo waxa xun ee ina dhibaya. Qof walba waa xor waana u xor in uu fikiro isticmaalana caqligiisa Alleh siiyay.

Dadka Ilaahay abuuray ma sinna oo waa ay kala gegeddisan yihiin. Qof baa lexaadkiisu u dhan yahay, halka qaar kalena ay lexaadkoodii badh la’ yihiin. Dadka qaar ayaa aad u dabeecad fiican oo aad uba malaynaysaa malaa’ig markaad aragto wanaagga dadnimadooda, halka qaar kalena dabeecad xumadooda aad u nacayso dadnimada dhammaanteedba. Ma sinna dadku dhinac walba. Dadka qaar ayaa dhaadheer halka qaar kalena gaaggaaban yihiin. Qaar ayaa fahamkoodu fiican yahay halka qaar kalena aad u faham liitaan!

Haddaba sida dadku aanay u sinnayn ayaanay maskaxahooduna u sinnayn. Wax aad si u aragto ayaa qof kalena si u arkaa. Wax aad sax u aragto ayuu qof kalena qalad u arkaa. Waa caadada aadamaha in la kala duwanaado, lana kala aragti duwanaado. Laakiin maaha caadada bani’aadamka in la isku waafaqo aragti kasta.

Caqliga saliimka aha ayay caadadiisu tahay kala duwanaanshaha aragtiyaha, waana sifooyinka waxgaradka in la isku ixtiraamo fikradaha iyo aragtiyaha kala duwan. Waa caadooyinkii dadkii wanaagsanaa in aan la eedayn laguna sifayn qofka kaa aragti iyo fikir duwanaada dib u socod iyo magacyo aan habboonayn.

Guntii iyo gebagebadii, ha igu xujayn in aan kugu waafaqo aragtiyaahaaga gaarka ah; ha igu xujayn in aan si wax kuula arko; ha iga sugin in aan kugu dabo faylo marka aad qaldan tahay; ha iiga fadhiyin in aan kugu taageero xaq darro; ha ku hammiyin in aan qaato fikradahaaga qaldan; hana ku hammiyin in aynnu is waafaqno inta aad ku dhegsan tahay aragtiyahaaga dhagarta qaba.

Wada noolaanshuhu waa muhiim walaw aynnu kala aragti duwanahayna!

Cabdiqani Iid Cilmi

Email: cab_dir@hotmail.com