Golaha Wakiillada Oo Duuduub Ku Meel Mariyay Miisaaniyaddii 2015-ka Iyo Aragtiyaha Is Diidan Ee Xildhibaanadda

0
344

Hargeysa, Somaliland, December 15, 2014 (Codka Hargeysa)-Mudaneyaasha Muxaafadka ah ee Wakiilada, ayaa si duuduub ahku ansixiyey Miisaaniyadda sanadka 2015-ka oo muddo hortaalay golaha.

Ansixinta miisaaniyadda waxa ka ka baxay Mudaneyaasha Mucaaradka ah oo ka soo horjeeday in Duuduub lagu ansixiyo Miisaaniyadda, waxaanay intooda badan iman golaha, halka qaarkoodna markay saxeexeen buugga dib iskaga laabtay, taas oo keentay in muddo badan kooramku buuxsami waayo, haseyeeshee mar dabe uu kooramkii hal dheeri ku buuxsamay.

Fadhigan shalay waxa hogaaminayey Mudane Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu sheegay in cod loo qaado in duuduub lagu ansixiyo iyo in laga dooda waxaanay  39 mudane isku raaceen in duuduub lagu ansixiyo, halka 3 mudane ka aamustay, cid diidayna  aanay jirin, Gudoomiyuhuna ma codayn waxaana sidaasi ku ansaxay Miisaaniyadda sanadka 2015-ka oo dhan 251 Milyan oo Doolar.

Ansixinta Miisaaniyadda ka dib waxa saxaafadda la hadashay Xildhibaan Baar Siciid oo sababaysay ka maqnaanshahooda fadhiga “Anigu Miisaaniyadda la ansixiyay waan ka soo horjeeday, waxaanan kaga soo horjeedaa duuduubka lagu ansixinayay, si kalena ugama soo horjeedo” .

Dhanka kalena Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka tirsan Mudaneyaasha Muxaafadka ah ayaa ka hadlay Ansixinta Miisaaniyadda iyo diidmada Mucaaradka “Makrhraati baad ka ahaydeen inaanu Heshiinay oo Miisaaniyadda aanu ansixino oo doorashooyinka la qabto laakiin, Mucaaradkii oo dhami way naga yaaceen oo Muxaafadkayagii baa Miisaaniyadda Ansixiyay, taasina waxay ku tusaysaa inaanay Mucaaradku doonayn in doorasho dhacdo oo Miisaaniyadda la ansixiyo” .