Gabdho Soomaali Ah Oo Markii Ugu Horeysay Australia Kaga Biiray Islaamiyiinta Suuriya Ka Dagaalamaysa

0
339

“IS waxay isku dayayaan inay hadda soo gaadhaan Australia si ay maskaxda uga bedelaan carruurta Soomaalida ah ee halkan ku nool” Maxamed Xuseen, Madaxa Jimciyadda Saaxiibtinimada Somaliland-Australian,

Soomaali haween 1

London, UK, December 16, 2014 (Codka Hargeysa) – Laba gabdhood oo Australian ah, balse asal ahaan la sheegay inay Soomaali yihiin, ayaa noqday gabdhihii u horeeyay ee si iskood ah isku maamula inay u socdaalaan dalka Suuriya si ay ugu biiraan Islaamiyiin ka dagaalamaysa halkaas.

Maaha Gabdhihii Soomaaliyeed ee u horeeyay ee la sheegay inay dalalka Suuriya ama Ciraaq u tagaan si ay ugu biiraan kooxda IS ee loo yaqaan Daacish, balse gabdho Soomaaliyeed ayaa hore uga tagay dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Canada, hase yeeshee gabdhahan ayaa noqonaya kuwii u horeeyay ee ka taga dalka Australia.

Hodan oo ah 18-jir iyo saaxiibadeed oo lagu magacaabo Xafsa oo iyaduna 20-jir ah, ayaa warkooda inay ku biireen kooxda Islaamiyiinta Suuriya waxa soo bandhigtay jariirad The Daily Telegraph ee ka soo baxda dalka Britain, waxaanay sheegtay jariiraddu in labada gabdhood ay internet-ka iska barteen rag ka tirsan kooxdaas oo Suuriya ku sugan, isla markaana ay u sheegeen inay guursanayaan oo ay noqonayaan xaasaska Mujaahidiinta dagaalka ku jira.

Soomaali haween 3

Soomaalida ku dhaqan dalka Australia ayaa warkani ku noqday naxdin iyo filan-waa, waxaanu mid ka mid ah masuuliyiinta jaaliyadda Soomaalidu uu u sheegay Wargeyska The Australia in labada gabdhood la garanayo, isla markaana ay waalidiintoodii kala soo xidhiidheen baraha bulshadu ku xidhiidho oo ay u soo sheegeen inay dhaafeen Turkiga isla markaana gaadheen dalka Suuriya.

Guddoomiyaha Ururka Jaaliyadda Soomaalida ee Australia, Cabdillaahi Faarax, ayaa sheegay in waalidkii hablaha dhalay aad uga murugoonayaan, isla markaana rajaynayaan haddii awoodaan inay dib u soo celiyaan. “Labadan gabdhood waxay ahaayeen kuwo af-gaaban oo aan dadka la hadal, raggana ka khajila, laakiin dadkan ay u tageen waxay kula xidhiidheen internet-ka” ayuu yidhi Cabdillaahi Faarax.

“Gabdhahani may ahayn kuwo afka weligood u furay ragga intii Australia joogeen, kuwan ay ku tageena waxay kala xidhiidheen internet-ka waxaanu loogu balanqaaday guur xaga Alle laga soo ilhaamiyey, waxay nagu noqotay af-kala-qaad,” Sida waxa uu The Australia u sheegay nin ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Sydney, kaas oo ka gaabsaday inuu magaciisa sheego, isla markaana aqoon fiican u lahaa labadan hablood.

Madaxweynaha Jimciyadda Saaxiibtinimada Somaliland iyo Australia (Somaliland Australian Friendship Foundation), Maxamed Xuseen, ayaa sheegay in warkani argagax ku noqday isaga, isla markaana uu aad uga murugooday inuu maqlo korodhka Soomaalida ku biiraysa xoogaga argagixisada, taas oo ka soo fiday dalalka Australia, UK iyo USA.

“Islamic State waxay isku dayayaan inay hadda soo gaadhaan dalka Australia si ay maskaxda uga bedelaan carruurta Soomaalida ah ee halkan ku nool,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Xuseen, waxaanu sheegay in kulan ay Jimciyaddani magaalada Melbourne ku qabanayso toddobaadyada soo socda lagaga hadli doono mawduuca dhallinyarada Muslimka ah ee dalkaas uga dhoofaysa dhinaca dalalka Suuriya iyo Ciraaq, kaas oo si dhab ah looga doodi doono.

“Waxaanu ku marti-qaadaynaa kulankaas dhammaan madaxda jaaliyaddaha, Bileyska Victorian iyo Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga si qof kastaaba uga hadlo macduucan” ayuu Mr. Maxamed Xuseen u sheegay Wargeyska The Australian.