Hargeysa, Somaliland December 15, 2014 (Codka Hargeysa) – Marwo Fadumo Sicid Ibraahim ayaa sheegtay inn xukumadda Somaliland xayrtay ururkii samafalka ee ODHA oo ay gudomiye ka ahayd, sida ay ku sheegtay waraysi khaas ay manta sisaay shabakadda wararka ee Gobanimonews.com.
Mar sual la waydiye laa xidhidha caqaabadaha ama cadaadiiska ay kala kulantay xukumadda Axmed Siilaanyo mudadii ay jirtay, iyadu xustay inn dhowr goobood ay ka mid tahay dhismihi jamacadda culuunta baada ee Berbera, xaruntii caruurta derbi jiifka iyo ururka ODHA oo ay sanadkii uu dambeyee anuu shaqeyn.
“Horta dawladani waa dwalad yar oo iska cajiib ah, waxaan garan-wayay ficilka shakhsiyaadka aad-bay ugu dheereeyaan, anigu fadumo ahaan waxaan garanwaayay meesha la iga haysto, anigu maanta kuma dambabayo fadumo siciid ahaan. Axmed siilaanyo oo madaxweynihii Somaliland ah ayaa faadumo siciid la ficiltamaaya? Waa wax afka lagaga xishoodo. Maalinta ay dawladu amba qaaday oo ay kursigaa ku fadhiisatay, Xirsii ba ila soo hadlay oo igu yidhi faadumay waxan doonayaa inaad soo wareejiso jaamacadii aan assasaay ee culunta baada Berbera.
Waa tii la ogaa wixii ka dhacay halkaas, waxa ku xigtay xaruntii agoomaha ee derbi jiifka ee mijicaseeye iyana waan u daayay. Inta kumay joogine ee waxa la iswaydiiyay wa taan wali dhaqdhaqayse, markaas bay yidhaahdeen waa in laga xidhaa haayadan Odha. Kamay fakirin imisa dhalinyaro ah ayaa ka shaqaysaa? Lakiinse uma muuqato, oo waxay iga xayreen liisaanki ama ruuqsaadii ururka marka liisanka oo meel baa la iska dhigay. Aniguna waan iska dhigay marka ay dawladd caadi ah ay dhalatoo Ayaan soo cusboonaysiin karaa, lakiinse imika ururka ODHA maa shaqeyoo.” Sidana waxa tidhi marwo Fadumo Sicid Ibraahim oo waraysi khaas ah siisaay shabakadda wararka Gobanimonews.com
Marwo faadumo Siciid waxa kale ay ka hadashay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Haragaysa, oo ay soo qabaanqabisay Dalada dhalinyarada Somaliland ee SONYO. Shirkaas ay marwo fadumo siciid sheegtay inay fiican tahay in la qabto shir dhalinyaro, inkasto ajaandiihi shirkaas laga duway majarahiisii loo agaasimaya. iyadu sheegtay in ay ahayd inay ka soo qayb galaan dhamaan gobalada dalka islamarkaana ay ahayd in ka soo qayb galaan asxaabta siyaasada, shirkadaha iyo aqoonyahanada dalka oo dhaman balse laa la siyaasadeeyay shirkaas.
Fadumo Siciid oo ka jawaabaysa sababta ay uga maqnaatay shirkaas waxa ay tidhii:
“Maya la iguma casuumin waanan garanayaa sababta, anigu in badanbaan la shiray dhalinyarada sonyo markaa waxay igu yidhaahdeen, marka xukuumadu aragto carqalad bay nagu keenaysaa. Markaa waxaan ku heshiinay in aan ka maqnaado shirkaas, kol hadii aan hooyo ahay hooyaduna ay wixi carurteeda uu dan ah ayay yeelaysaa. Laakiiin maan filayn inn SONYO noqoto wasaarad ka mida ah xukuumada.”
Sii kastaba ahaatee, marwo faadumo Siciid oo ka mida ah shakhsiyaadka ku xardhan taakulaynta iyo tageeradda dhalinyarada Somaliland mudo dheer.