Hargeysa, Somaliland December 13, 2014 (Codka Hargeysa) – Xaflad balaadhan oo lagu daahfurayey wax soo saarka Shirkadda Hass Petroleum gaar ahaan saliida iyo xabakta mishiinka gawaadhida loo isticmaalo oo la yidha Subkiye [Lubricants] ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa.
Munaasibadda xafladdan oo ahayd mid si qurxbadan loo soo abaabulay waxaa ka soo qaybagalay Gudoomiyaha xafiiska Somaliland ee Shirkadda Hass Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed, Madaxa HR-ka Ms. Idil Ibrahin Aadan [Doolaal], Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasin, wasiir ku xigeenka hawlaha guud Cali Cabdi Saa’iq, madaxa Rugta Gabnacsiga Somaliland Maxamed Shukri Xukuul, Mr. James Wakiru oo ka socday xafiiska Hass petroleum xaruntisu ku taalo dalka Kenya iyo madaxda shirkadaha [kaalmaha shidaalka] maarti sharaf, dadweyne kale oo farabadan oo ay kamid ahaayeen masuuliyiin hore oo xilal kaladuwan uga soo qabtay xukuumadda hadda joogta iyo tii ka horeysayba.
Agabkan ay Shirkadda Hass ku daah-furtay xafladni waxa uu qayb-ka yahay Ganacsigii hore ee keenista shidaalka ee horey dalka uga socday tan iyo markii ay sanadkan soo dhmanaayay bilawgiisii kala wareegtay keenista shidaalka Somaliland shirkadii hore ee Total oo mudo badan ku soo jirtay inay dalka keento shidaalka.
Furitaankii xafladda daah-furka maansibadaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Shirkadda Hass xafiiskeeda Somaliland Cabdirisaaq Ibraahim Aadan oo ka warbixiye nuxurka munasibada xafladani iyo ujeedada loo qabtay uu ku sheegay inay tahay sidii laysu bari lahaa wax soo saarka shirkada Hass [saliida iyo xabagta gawaadhida] iyo dadweynaha Somaliland isagaoo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa “waxaa maanta fardxad noo ah inaanu idinku soo casuuno daah-furka wax soosaarka Shirkadda Hass Petroleum.”
dhanka kalana waxa uu sheegay Gudoomiyaha Hass Cabdirisaaq Ibraahin inay Shirkadda Hass wax soo-saarkeeda laga tijaabiyey waddamo badan taasina ay guul weyn utahay Shirkadda Hass Petroleum iyo wax soo saarkeeda,waxaanu intaa ku daray Shirkadda Hass inay si fician u bixiso canshuurta Dawladda isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “anagu ka shirkad ahaan marka laga yimaado agabka tayada leh ee aanu dalka keenay ee manta la daahfurayo waxaanu sifiican u bixinaa canshuurta Dawladda.”
Waxaa isaguna halka ka hadlay wasiirkii hore ee Kaluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Geeljire waxaanu sheegay inay dalka iyo dadkaba farxad u tahay inay Hass keentay agabkii gawaadhida loo isticmaalayey waxaanu xusay inay tahay shirkad caalamiya basle ay tahay shirkad dalka laga leeyahay isla markaana ay si hufan oo lexejeclo ku jirto dalka uga shaqaynayso maadaama ay tahay shirkad waddaniya waxaanu shacabka ku booriyey inay Iibsadaan agabkeeda tayada leh “waxaa waajib inagu ah inaynu shirkadaha kale uga eexano oo aynu iyada waxsoo saarkeeda isticmaalo” ayuuy idhi Mr Geeljire.
Mr. Geeljire waxa uu sheegay inay Hass qayb-ka qaadato arimaha kale ee hurmarka bulshada isaga oo arrimahaa ka hadlayena waxa uu yidhi “Shirkadda Hass waxay ka qaybqaadataa arrimaha kale ee bulshada waxtarkka u leh sida sadaqada oo ay siiso dadka masaakiinta ah ee baahan inaguna waa inaynu arrintaa shiradda ku taageero guushaa weyn ee ay gaadhay Hass”
Dhanka kalana Mr. Geeljire waxa uu sheegay inay shirkado badanoo Ganacsiga shidaalka keenaa dalka joogaan basle ay Hass tahay tan ugu mudan dhamaantood marka la eego khibradeeda qotada dheer iyo agabkeeda tayada leh ee loo adeegsado mishiinka gawaadhida kalduwan.
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Xasan Miisaan oo ka tirsan saraakiisha Hass Petroleum waxaanu halkaa ka soo jeediyey khudbada ku baxaysay luuqadaha Somaliga iyo Ingiriiska labadaba taasoo taabanaysay Shirkadda Hass iyo wax soos aarkeeda kaladuwan.
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Mr James Wakiro oo ah injineer 13 sano ka soo shaqaynayey Shirkadda Hass xafiiskeeda dalka dalka Kenya waxaanus heegay inay mudo dheer ka soo shaqaynaysay Hass dalalka Bariga Africa sida Kenya,Tanzaniya,Uganda iyo qaarkale “Hass waxay ka shaqaysaa Arrimaha shidaalka iyo saliida gawaadhida lagu isticmaalo waana saliid tayadeeda la hubiyo oo heer-caalami ah” ayuu yidhi Mr James.
Dhanka kalana Mr. James waxa uu sheegay inay xafladani tahay mid lagu daah-furayo adeegga xafiiska Shirkadda Hass ee lagu soo kordhiyey Shidaalkii ay horey u keenijirtay taasoo qayb-ka noqonaysa ganacsiga Hass ee kajira dalalka kale.“Hass agabkan ay hadda keentay waa kii ugu dambeeyey ee ay soo saartay” ayuu yidhi Mr James waxaanu halkaa ku soo bandhigay Film kooban oo ka sheekaynayey Shirkadda Hass Petroleum iyo wax soo saarkeeda kaladuwan kaasoo laga daawaday macluumaad farabadan oo la xidhiidha tayada shidaalka iyo saliidaha casriga ah ee kaladuwan ee ay leedahay Hass.
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Gudoomiyah Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri Xuluul waxaanu soo dhaweeyey isaga ku hadlayey magaca xafiiska Rugta Ganacsiga iyo kan gaarka ahee shiirkadiisaba Saladiidaha tayada leh ee Hass Petroleum dalka keentay kaasoo waxbadan ka badali doona ciladihii ku dhicijiray gaadiidka lagu shubo saliidihii hore kuwaasoo ay ka tayo fiicantahay tan ay keentay Hass isaga oo arrimahaa ka hadlayeya waxaa hadaladiisii kamid ahaa “goob waliba hadal ku haboon bay leedahay halkan waxaa inoo yaalla Buugan quruxdabadan ee ka sheekaynaya waxsoo saarka kaladuwan ee Hass.”
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay wasiir ku xigeenka hawlaha guud Cali Cabdi Saa’iq waxaanu sheegay inay saliidan ay Hass keentay naqafo u tahay Baabuurta waxaanu sheegay inay wax-waliba u bahan yihiin daryeel iyo nafaqo la siiyo si ay u waaraan sidaa darteed saliida Hass ay tahay tii dhabta ahayd isaga oo arirmahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “maalin waliba hadalkeeda ayey leedahaye maanta waa maalintii nafaqaynta Gaadiidka”