Shirkadda Diyaaraddaha Fly Dubai Oo Somaliland Ka Bilaabaysa Duulimaadyo Cusub Sanadka 2015 iyo Shirkada Safeway Travel Agency Soo Dhoweynaysa

0
343

14affa13a3795b177f8127d1c472c042_L

Hargeysa, Somaliland December 11, 2014 (Codka Hargeysa) – Cumar Jamaac oo ah masuulka Shirkadda Safeway travel agency islamarkaana ah wakiil ka ah Shirkadda fly Dubai oo la filayo inay bilowdo duulimaadyadeda horaanta sanadka 2015-ka, Hargeysa ka bilaabi donto duulimaadyada Shirkadda dawladda Imaaraadku leedahay ee Fly Dubai.

Shirkaddan Fly Dubai oo Xukumadda Dubai Aasaastay sanadkii 2008-dii ayaa uu duusha 83 Garoon oo ku yaala 46 Waddan. Waxay noqonaysaa Diyaaradda labaad ee Dal leeyahay ee Somaliland timaada iyadoo hore Shirkadda Ethiopian Airline u iman jirtay.

Ghaith Al Ghaith  oo ah sarkaal Fly Dubai ka tirsan oo ka hadlayay xayaysiiska fursadan ayaa yidhi “Sannadka 2014 waa sannadka ugu mashqulsan fly Dubai. Waxaan ku dhawaaqnay 26 duulimaad cusub laga bilaabo January waxaan qaadanay siddeed diyaaradood oo cusub si loo taageero qorshahan aan caadiga ahayn. Waxaan aad ugu faraxsanahay fursadaha aan horay loga fa’iidaysanin suuqa Afrikada soo kacaya sida Hargeysa.”

Dhanka kalena Maamulaha Shirkadda Safeway Cumar Siciid Ducaale, ayaa sheegay inay gacan ka gaysteen in Shirkadda Fly Dubai timaado Somaliland “Waxaan Bulshada Somaliland ugu bushaaraynayaa in Shirkadda Fly Dubai oo laga leeyahay Imaaraadka Carabtu inay bilaabi doonto Duulimaadyo toos ah oo todobaadkii afar jeer ah oo ay Hargeysa ku imanayso.Waa Shirad qaran oo dawladda Imaaraadku leedahay, waxay tagtaa 89 Garoon oo dunida ah, 46 Waddan, waxayna  todobaadkii samaysaa 1200 Duulimaad”

Masuulkan oo ka hadlayay waxyaabaha ay Somaliland ku soo kordhinayso Diyaaradani waxa uu yidhi “Dedaal badan baanu u galnay sidii aanu Shirkaddan Caalamiga ah u keeni lahayn Somaliland, waxayna ku soo kordhinaysaa inay Somaliland Caalamka ku xidho, gaar ahaana Dubai oo hada Suuq Aduunka oo dhani yimaado ah, markaa haddii aynu Dubai isku xidhano xidhiidh cusub oo caalamka ah ayay inoo samayn doontaa, waxaa kor u kacaya dhaqaalaheena”

Shirkaddan ayaa Somaliland ka bilaabaysa Duulimaadyadeeda sanadka soo socda 05 March 2015.