WARBIXIN XASAASI AH: Saraakiil Kenyan Ah Oo Markii U Horeysay Qiray Inay Hawl-galo Qarsoon Ku Laayeen Boqolaal Muslimiin Ah

0
336
  • Baadhis Telefiishanka Al-Jazeera Sameeyay Oo Lagu Ogaaday In tirada Bileysku Khaarajinta Ku Dileen Gaadhayso ilaa 500 oo Qof iyo Suurta-galnimada Inay Ka Qayb-Qaataan Sirdoonka Britain iyo Israa’iil

 

Saraakiil Kenyan 1 Saraakiil Kenyan 3

Nairobi, Kenya, December 9, 2014 (Aljazeera) – Qaar ka mid ah Saraakiisha Afar Kooxood oo ka mid ah Waaxda La-dagaalanka Argagixisada ee dalka Kenya oo la hadlay Barnaamijka Waaxda Daba-galka ee Telefiishanka Al-Jazeera, ayaa markii ugu horeysay qirtay inay Bileyska Kenya Khaarajiyaan dad la tuhunsan yahay, kadib marka ay amarto Xukuumadda Kenya.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Bilesyka ee la-dagaalanka Argagixisada ee Kenya (ATPU) ayaa u sheegay Telefiishanka Al-Jazeera in amarka khaarajinta shakhsiyaadkaasi uu ka yimaado ama ay soo bixiyaan Gole Qaran oo la yidhaahdo Golaha Ammaanka Qaranka Kenya. “Golahani waxa uu ka kooban yahay Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka, Taliyaha Ciidamada Difaaca, Jananka Bileyska, Madaxa Sirdoonka Qaranka, Wasiirka Daakhiliga iyo Xoghayaha Arrimaha Gudaha, go’aan kasta oo arrimahaas laga gaadhaa waxa uu ka soo baxaa kooxdaas dadka ah” ayuu Sarkaalkani.

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo xubnaha ka midka ah Golaha Ammaanka Qaranka ayaa beeniyay inuu jiro barnaamij khaarajin ah oo ka sareeya garsoorka dalkaas.

Falalkan Khaarajinta ah, ayaa sida ay sheegeen Saraakiisha Waaxda ATPU, waxay sannadkii gaadhaa in la khaarajiyo boqolaal qof. “Maalin markaad dhaaftoba waxaad maalinta xigta maqlaysaa khaarajin lagu sameeyay dad la tuhunsan yahay. Waxaa loo adeegsadaa Bileyska laftiisa, waxa kale oo aanu haysataa kooxaha gaarka u tababaran ee ay ka midka tahay kooxda GSU. Iyadoo aanan hayn wadarta guud, waxaanse ku odhan karaa dadka ilaa hadda la khaarajiyay waxay ku dhawaanayaan ilaa shan boqol oo qof (500)” ayuu yidhi Sarkaalkani.

Barnaamijkan lagu baahiyay Telefiishanka Al-Jazeera habeen hore, ayay Saraakiishani shakhsiyan u qirteen inay iyaga laftoodu gacantooda ku khaarajiyeen ama ku dileen dad la tuhunsanaa. Sarkaal ka tirsan Waaxda Adeega Guud ee shirkadda Ammaanka ee Recce (GSU) ayaa telefiishanka Al-Jazeera u sheegay oo yidhi: “Tan iyo intii layga shaqaaleeyay Waaxdan, waxaan gacantayda ku dilay ilaa konton qof (50), waanan ku faanayaa sababtoo ah waxaan ka takhalusay dhibaatooyin.”

Saraakiishani waxay sheegeen in taagdararidda Garsoorka Kenya uu ku khasbay inay fuliyaan hawl-galadan khaarajinta ah, iyadoo bileyskuna ku fashilmeen inay keenaan cadaymo xoogan oo lagu maxkamadayn karo dadka lagu tuhunsan yahay argagixisada, waxaana ilaa hadda la rikoodh gareeyay kiis keliya oo eedii lagu helay.

Saraakiil Kenyan

“Haddii aanu sharcigii shaqayn karayn, waxaa jira dariiq kale oo ah inaad khaarajiso” sidaa waxa yidhi Sarkaal ka tirsan Waaxda GSU ee shirkadda Recce.

Telefiishanka Al-jazeera waxa uu tusaale u soo qaatay nin magaciisa lagu sheegay Abubaker Shariff Axmed oo ahaa wadaad Muslimiinta mayalka adag ka mid ah, loona yaqaanay Makaburi. Inkastoo ninkan lagu qaaday sharciga argagixisada ee Kenya, haddana may jirin dambi lagu cadeeyay. Bishii April ayaa Makaburi lagu hortoogtay barxadda hore ee Maxkamadda Mombassa. Waxaanay Kooxaha Xuquuqda Aadamuhu ku doodayaan in ninkani ka mid ahaa 21 wadaadada Muslimka mayalka adag ah oo lagu eedaynayo inay Bileyska Kenya toogasho ku dileen tan iyo sannadkii 2012

Iyagoo la hadlayay Al-Jazeera, ayaa Saraakiisha Kenya markii ugu horeysay xaqiijiyeen dilka wadaadkaas. “Makaburi waxaa dilay Bileyska” ayuu yidhi mid ka mid ah Saraakiishaasi, waxaanu raaciyay “Qorshaha khaarajintan waxaa Nairobi ku soo qorsheeyay Saraakiil Derajo iyo Xilal Sarsare ka haya Bileyska Kenya iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda.

Telefiishanka Al-Jazeera ayaa si gaar ah u helay warbixino sir ah oo bileyska Kenya leeyahay, kuwaas oo muujinaya in Makaburi uu xidhiidho hoose la lahaa maleeshiyadda Somalida ah ee Al-Shabaab, isla markaana uu ka qayb-qaatay qorsheynta iyo maal-gelinta qaraxyo laga fuliyay Kenya.

Waxa kale oo ay Saraakiishan Kenyanka ahi sheegeen in warbixinaha sirdoonka ah ee lagu hago barnaamijkan khaarajinta ah, ay u fidiyaan hay’adaha Sirdoonak ee Reer Galbeedka.

Mid ka mid ah Saraakiisha Waaxda GSU ee shirkadda Recce, ayaa sheegay in marka ay macluumaadka siinayaan ay sirdoonka reer Galbeedku ogyihiin waxa ay noo sheegayaan. “Masalan, waxay ku odhanayaan ‘Mr. Jack’ wuxuu ku lug leeyahay falalka noocaas ah. Isla maalinta xigta dunidaba ma joogo oo shaqadayadii ayaanu ka qabsanay. Waxaanu ku war-celinaa in si sax ah warbixintii ay na siiyeen u shaqaysay.”

Hase yeeshee Telefiishanka Al-Jazeera waxa uu sheegay in Afhayeen u hadlay Ciidamada Bileyska Kenya uu diiday inuu wax jawaab ah ka bixiyo eedahaas loo jeediyay.

Sida ay Saraakiishan Telefiishanka Al-Jazeera la hadlay sheegeen dawladda Britain waxay waaxdan u fidisaa tababaro, qalabayn iyo macluumaadka sirdoonka.

Dawladda Israa’iil ayaa iyadu tababaro khusuusiyaad badan leh u fidiya Waaxda, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Waaxda Xoojinta GSU, waxaanu yidhi: “Waxaanu waxoogay macalimiin ah ka helnaa dalka Israa’iil, kuwaas oo tababarkooda ka mid yahay sida wax loo khaarajiyo.”

Mark Ellis, oo madax ka ah hay’adda Caalamiga ee Sharciga, ayaa ka digay eedo aan caddeyn loo hayn oo loo jeediyo wadamadan reer Galbeedka ahi ay keeni karto in lagu gefo sharciyada caalamiga ah. “Waxaa wareysiyadan ka muuqda ugu yaraan eedo sheegay in wadamo daraf saddexaad ahi ka qayb-qaadayaan hawl-galadan, taas darteedna waxaa waajib ah in baadhis masuuliyadani ku jirto lagu sameeyo. Waxaana inagu waajib ah inaynu joojino inaynu Waaxaha Bileyska Kenya u fidino nooc kasta oo gargaar ah, tan iyo inta ay si cad wax iskaga bedelayaan qaabka ay maamulka Kenyan ula dhaqmaan dadka la tuhunsan yahay.”

Ugu dambayntii Barnaamijka Al-Jazeera ee lagu soo bandhigay Qirashada Saraakiisha Kenyanka ah ee Khaarajinta dadka la tuhunsan yahay, ayaa lagu sheegay in dawladaha Britain iyo Israa’iil ay iska fogeeyeen inay falalka ku lug leeyihiin, waxaanu Xafiiska Arrimaha Dibadda ee UK sheegay in ay dawladda Kenya la socodsiiyeen inay si aad ah ula socdaan eedaymahan halista ah ee loo jeedinayo.

Barnaamijka “Inside Kenya’s Death Squads” ayaa qaybtiisii u horeysay xalay 11:00 caweysnimo ee wakhtiga Bariga Afrika ka baxay Telefiishanka Al-Jazeera qaybta afka Ingiriisiga ku hadasha.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI