Boorama, Somaliland, December 9, 2014 (Codka Hargeysa) – Xubno ka tirsan guddi-beeleedka Jibriil-Yoonis ee Degaanka Boorama ayaa Xukuumadda ku dhaliilay ciidan ay dul-dhigtay deegaanka ay waanwaanta ama fadhigu uga socday iyaga (Guddi-beeleedka), Xukuumadda iyo Suldaanka ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland, iyagoo sidoo kale Xukuumadda ka dalbaday inay ciidankeeda kala baxdo Qulujeed.
Sida uu ku soo waramay weriyaha wargeyska Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, shir jaraa’id oo ay xubnahani ku qabteen Huteel Rays ee magaalada Boorama, ayaa ugu horreyn waxa ka halkaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Sii Arag, oo ka mid ah Golaha Wakiiladda Somaliland, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi: “Waxa halkan fadhiya hoggaankii dhaqanka ee Beesha Jibriil-Yoonis, Suldaankuna xaq buu u leeyahay inuu u hadlo Gedebuursi, waayo Xukuumadda Siillaanyo ayaa dhawr jeer loo gudbiyey cabashooyin, hadday sidaas tahay Suldaanku kacbadii ma gubine, anigoo ah xildhibaankiisa waan u marag kacayaa.”
Suldaan Faarax Muxumed Nuur, kana mid ah Salaadiinta beesha Jibriil-Yoonis oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Dhawr iyo labaatan sannadood waxba kama dhicin dalka ama gobolka Awdal, shalay oo uu Suldaanku hadal ka soo baxayna waxa la soo dhigay ciidan baqa geliyey maatada. Annagoo u fadhina geedkii oo arrinta lagu hayo ayaa ciidan xoog leh nala soo dul-dhigay. Waxaan leeyahay ciidamadaasi nabadii aynu wadnay waxbay yeeleen, waana in dawladdu ka saarto, hadday col u soo dirtay iyo hadday nabad u soo dirtay dawladdu iyadaa og.”
Sidoo kale mid ka mid ah oday-dhaqameedkii halkaas ka hadlay ayaa yidhi: “Waxaanu Suldaanka keennay Qulujeed, waxaanan ku nidhi iskaga kaalay Itoobiya, Somaliland baanu keennay, Qulujeed miyeyna ahayn Somaliland, annagoo u fadhina hadalkaasi oo xataa ay nala fadhiyaan Wasiiradii Xukuumadda Somaliland iyo Baayacmushtarkii, ayaa ciidan xoog leh la keenay oo nala kala dareeriyey, loomana baahnayn ciidankaasi.”
Caaqil Daa’uud kana mid ah guddi-beeleedka Jibriil-Yoonis oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi: “Suldaanka waa la doortay, xaq baanuna u lahayn waxa uu sheegay inaanu la eegno intoo naloo diray ayaa ciidan nala dul keenay, shirqool baana naloo dhigay, fara cidideed baanu ku baxnay. Mar hadii masuuliyaddi aanu qaadnay hadii nalagu shirqoolay, Xukuumaddu waxba nagama weydiin karto haddeed.”
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay xubno ka tirsan guddigaasi iyo siyaasiyiin kale, waxayna dhammaantood dawladda ku canaanteen ciidanka halkaa la geeyey, si dadbanna u taageeray Suldaan Wabar.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI