Hargeysa, Somaliland, December 9, 2014 (Codka Hargeysa) – Sarifka Qiimaha lacagta qalaad ayaa maalmihii udambeeyey sare u kacay taas oo dadweynuhu walaac xoogan ka muujiyeen.
Sarifka lacagta ayaa gaadhay heerkii ugu sareeyey kaas oo gaadhay tododba kun iyo saddex boqol, haseyeeshee waxa shalay Baanka dhexe suuqa soo galiyey lacag uu ku jabinayo lacagta sarifka ee kor u kacday.
Sarifleyaasha iyo dadweynahbaa caasimadda ayaa soo dhoweeyey talaabadan uu qaaday Baanka dhexe ee uu ku jabinayo qiimaha kala bedelka lacagta khalaad iyo ta Somaliland oo danyartii lacagta shilinka wax ku qaadan jirtay ku keentay walaac ka dib markii shay walba lagu qiimeeyo lacagta Doollarka, isla markaana wax lagu iibsaddo.
Sarifleyaasha ayaa sheegay in markii hore uu gaadhay sarifka halka dollar toddoba kun iyo laba boqol iyo konton shalin, halka uu baanku uu hoos usoo celiyey kana dhigay toddoba kun, laba boqol iyo sodan shilin taas oo la filayo in maalmaha soo socda uu gaadho toddoba kun.
“Marka dollarku yara kacaba qoladda Baanka ayaa lacag suuqa keentay si ay u jabiyaan dollarka kacay, iyagoo sixir bararka ilaalinaya, si fiican ayey nooga iibiyeen sarifleyaashiina way ka qaateen”ayuu yidhi gudomiyaha sarifleyaasha oo hadlayey sicir bararka lacagta ku yimid.
Waxaanu intaas ku daray “Dawladdu todoba kun, laba boqol iyo sodan ayey ka dhigtay halka uu markii hore ahaa todoba kun, laba boqol iyo konton shilin, waxayna ku tallo jiraan inay gaadhsiiyaan illaa toddoba kun”.
Maxamed Cali oo ka tirsan dadweynaha ku nool caasimadda ayaa sheegay in sicir bararka lacagta maalmihii u dambeeyey suuqa laga dareemayey taas oo ay ku dhib qabeen dadweynaha, waxaanu yidhi “waxaan maanta u sheegayaa shacabka in dawladii iyo baankii ay lacagtii keeneen oo kaashkii ka ururiyey, taas oo dhimaysa sicir bararka, baanka waan ku taageersanahay iny mar walba xadidaan oo kaantaroolkaa, wixii danta guud ka shaqaynaya waan taageersanahay haddii aanu shacabka nahay”
Si kastaba ha ahaatee, maalmahan ayaa suuqyadda caasimadda laga dareemayey sicir barar ku yimid lacagtii khalaad iyo isku bedelkii lacagta taas oo haddii aan markiiba wax laga qaban saameyn ku yeelata meceeshadda.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI