- Dawladda Hoose ee Hargeysa oo kaashanaysa Khabiiro Dalka Maraykana oo Dareerooyin kimiko ah u adeegsanaya samaynta wadooyinka, kuwaas oo ka maarmi doona Daamurkii kharashka badan kaga bixi jiray
Hargeysa, Somaliland, December 9, 2014 (Codka Hargeysa) – Maayarka Caasimadda Hargeysa, Mr. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa sheegay in nidaam cusub oo casriya oo kharashkii badnaa ee ku bixi jiray sameynta wadooyinka ka yareen doonta laga hirgalayey dalka.
Dawladda Hoose ee Hargeysa oo kaashanaya shirkadda cusub oo wadooyinka samayn doonta ayaa tijaabisay nidaam cusub oo kharashkii badnaa eeku bixi jiray Daamurka iyo Shayga lagaga maarmayo, isla markaana u dhisay qaab casriya oo caalamka la jaanqaadaysa.
Guddoomiyaha shirkadda Bandar ayaa sheegtay inay iskaashi dhexmaray shirkadda la yidhaa Ballastar eco tec oo maraykan ah kuwaas oo wadooyinka u samayn doonta si ka kharash yar sidii loo samayn jiray, isla markaana dhaqaalihii badnaa ee ku bixi jiray aad uga yar yahay.
Guddoomiyaha shirkadda Mandar Ciid Cali Salaan ayaa sheegay inay la shaqaynayaan shirkad laga leeyahay Maraykanka, isla markaana qaabilsan wadooyin casriga ah ee aduunka laga isticmaallo, waxaanu yidhi“waxaan aad ugu mahad naqaya maayarka caasimadda oo si wanaagsan noola shaqeeyey, isla markaana mashruucani inuu hirgallo qayb ka qaatay, waxaana nala jooga khabiiro ka socda Maraykanka oo nidaamiyana qaabkan wadooyinkan loo samaynayo, marka wadadda la habeeyo ayaa lagu shubayaa biyo kimiko ah oo camuudda isku dhajinaysa ka dibna la marinayo kimico daamur o okale ah oo ka dhigaysa laami adag oo caadi taas oo lagaga maarmayo daamurkii iyo alaabtii kale kharashka badani ku bixi jiray, waana qaab xisaabsan oo si cilmiyeysan loo samaynayo”.
Khuburadda ka socda shirkadda Maraykanka ee Ballestar eco oo la kala yidhaa Andy jacksan, Jean Blanchard iyo Michael fenton ayaa hawshan ka shaqayn doona, waxaana si wayn uga faa’iidaysan doonn ardayda barata cilmiga injineeradda, waxaanay khabiiradani sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay dalka ka hirgaliyaan mashruucaasi caalamka laga soo tijaabiyey oo noqday mid guulaystay.
Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa isna soo dhoweeyey nidaamkan cusub ee wadooyinka u samaynayaan shirkadahani, isla markaana sheegay inay kharash badan oo ku bixi jiray ka yaraanayso.
“Maanta waxaanu nidaamkan cusub ku bilownay wadadda madaarka Hargeysa waqooyiga ka marta taas oo laga dhigi doono laami casri ah, waxaan u mahad celinayaa qoladan hawsha bilowday, waana qaab casri ah oo caalamka horumaray imika u samayaan”ayuu yidhi.
Khuburaddan ayaa sheegay in Afrikadda uu dalkii saddexaad ee qaabkan casriga laga hirgaliyo, iyadoo hore koonfurta Afrika iyo Kenya hore ugu sameeyeen, sidoo kalena Maraykanka wadooyin badan lagu sameeyey.
Khabiirkan maraykanka ah ayaa isagu ah kii hindisay nidaamkan casriga ah ee loo dhisayo, waxaana ku baxaya kharash ka yar tii barigii hore ku bixi jiray iyo wakhti ka yar intii ku bixi jirtay.
Wadadan madaarka ag-marta ee lagu bilaabay nidaamkan casriga ah ayaa marka hore cagafcagafyaddu qodayaan camuudiina isla simayaan ka dibna waxa wadaddii dul maraysa booyad ay ku jiraan dareero kimiko ah oo cad taas oo dhawr jeer la dul marinayo, ka dibna waxa lagu shubayaa kimico Madow oo u dhiganta daamurka oo kale, haseyeeshee, wadadan ayaa lagu samayn wax shay iyo Daamur ah taas oo kharashkii badnaa ku bixi jiray u madhxinaysa.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI