Caynaba: Cabasho Ka Dhan Ah Sarkaal Boolis Ah Iyo Jawaabtiisa

0
351

Caynaba, Somaliland, December 09, 2014 (Codka Hargeysa) – Magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar ayaa shalay waxaa ka dhacay Mudaharaad kooban oo lagaga soo hor jeedo Taliyaha qaybta Booliska Gobolkaasi Saraar Axmed Daahir.

Dad cadhaysan oo ka horjeedda taliyaha ayaa magaalada ku wareegay iyagoo ku qaylinaya hadalo ka dhan ah Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Saraar. “Wuxuu noqday, laayaan gacanka hadalka yaqaan, shalay nin bilays ah oo xidhan buu garaacay oo waxyeelo u gaystay, maantana (Shalay) sidoo kale gacan ka hadal ayuu sameeyay.” sidaas waxa yidhi Xaasho Maxamed

Nin magaciisa ku sheegay Maxamed Saleebaan ayaa yidhi. “Taliyihii ayaa magaalada nabad galyadeeda xumayanaya intuu yidhaahdo ii xidha ayuu gacatiisa ku garaacaya, badhasaabka ayuu caagad ku dhuftay maalin dhawayd.”

Dadkan ayaa ku taliyay in laga bedelo taliyaha. Laakiin, taliyaha la eedeeyay waxaa uu sheegay inuu talaabooyin sharci ah uun qaado, balse aanu wax ka hor imanaya nidaamka galin. Taliyaha qaybta Boliska Gobolka Saraar Gaashaanle Axmed Daahir oo ka jawaabaya eddayntan loo soo jeediyay ayaa yidhi. “Qof danbi galay oo askarta raaci waayay inuu cawdo maaha” Ayuu yidhi