Somaliland: Go’aamada Maanta Laga Filayo Guddiga Doorashada Iyo Dhaartii Shalay

0
334

Hargeysa, Somaliland, December 8, 2014 (Codka Hargeysa) – Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa shalay lagu hor dhaariyey madaxweynaha, kuwaas oo ku ballanqaady inay dhex dhexaad u noqon doonaan xisbiyadda iyo musharaxiinta tartamaysa.

Dhartii Xubnaha Cusub NEC

Guddigan todobada xubnood ka kooban ayaa la fillayaa inay maanta iska dhex doortaan guddoomiyaha gudoomiye ku xigeenka hoggaamin doona mudada ay hawlaha doorashooyinka waddaan. Sida ay sheegeen xoggaha laga helayo ilaha u dhuundaloola xubnahan, waxaa jira is-faham laga gaadhay olole laba garab u qaybiyay oo ay ku kala jiidanayeen maamulka. Waxaana tibaaxahaasi tilmaameen in manta la filayo inay ku dhawaaqaan is doorashadoodda.

Guddigan ayaa shalay waxaa mid mid u dhaariyay Guddoomiyaha maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil waxaanu markii uu dhaarta dhameeyey ilaahay u beryey inuu cadaaladda waafajiyo. “Xilkaas aad umada u qaadeen eed Musharaxiinta u qaadeen,waanu idiin Ducaynaynaa ee ilaahay ha idinku Asturo,waxaana Laydinka Doonayaa Go’aamada Aad gadhaan in ay Noqdaan Qaar umadu ku liibaanto,Ciida ayaad xilkaas u qaadeen iyo Dalkabee Cadaalada ku hogaamiya Dalka.”ayuu yidhi gudoomiyaha maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil.

Madaxweynaha Somalilnad Axmed Maxamed Siilaanyo oo dhaarta ka dib halkaasi ka hadlay ayaa guddidan cusub ee doorashooyinka ku guubaabiyey in ay hawlahoodda u qabsadaan si madax banaan, isla markaana cadaaladdi ku jirto.“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta hortayda la idinku dhaarinayo, waxaan Illaahay ka rajaynayaa in Hawshiinu noqoto mid lagu wada badhaadho oo dadka iyo dalka u horseeda horumar iyo Caddaalad.”ayuu yidhi madaxweynuhu.

“Waxaynu nahay dal doortay Dimuqraadiyad, waxaynu qaadanay dimuqraadiyad, doorashooyin iyo hawlo fara badan ayaynu galaynaa, markaa Ahmiyada ay guddidaasi leedahay waa mid aad iyo aad u weyn, waa mid aad dalka iyo dadkaba uga baahan tihiin Kalsooni, Kalsoonidiina waad haysataan ee Illaahay Garabkiina ha galo oo ha idinla qabto” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

Si kastaba ha ahaatee, guddidan ayaa waxa hor yaala hawlo badan kuwaas oo ay ka mid yihiin diiwaangelinta Cod bixiyeyaasha iyo in doorashaddu wakhtigeeddii dhacdo, maadaama oo ay ka hadhsan thay muddo lix bilood ahi, waxaana sida ugu dhakhsiyah badan ay u qaadan doonaan tobabaro ku aadan shaqooyinkooda, iyo sidii ay hogaan iskaga dhex dooran lahaayeen.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI