Maxkamadda Aduunka Ee ICC Oo Dambi Ku Wayday Madaxweynaha Kenya

0
361

Nairobi, Kenya, December 8, 2014 (Codka Hargeysa) – Maxkamadda caalimiga Aduunka ICC ayaa sheegtay inay joojisay dacwaddii uga socotay madaxweynaha Kenya ka dib markii la waayey cadeemo muujinaysa inuu ku lug lahaa dambiyaddi bani’aadanimadda ee ka dhacay Kenya.

Haseyeeshee maxkamaddu waxay xustay in dib loo soo celin karo haddii cadeemo ku filan la keenno.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa  soo dhoweeyey  go’aankaasi maxkamadda dambiyada ee ICC ku joojisay dacwadihii bani’aadamnimo ee loo haysta, kuwaasoo loo waayay markhaatiyaal ku filan.

Kenyatta ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay go’aankan, uuna ka dagay hadda culeys badan oo ay dacwaddan ku haysay. Wuxuuna xusay in tani ay caddeyn u tahay in aanu wax dambi ah lahayn.

“Waxaan mar walba u sheegi jiray shacabka Kenya iyo kuwa caalamkaba in aanan wax lug ah ku lahayn eedaha la ii soo jeediyay, balse hadalkeygaas si dhab ah ayuu u rumoobay,” ayuu yidhi Kenyatta.waxaanu hadalkiisa raaciyey”Mar kale Ayaan ku celinayaa inaan nadiif ka ahayn dhammaan eedeymaha la ii soo jeediyay, mana doonayo in aan intaas ka badan ka yidhaahdo arrintan.”

Uhuru Kenyatta ayaa war kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka  ku sheegay in dacwadan ay si xun u dhaawacday sumcadiisa iyo mas’uuliyada uu u hayo shacabka Kenya, isagoo xusay in loo baahan yahay in arrimahan oo kale si aad ah looga fiirsado, si aan sharafta qof bani’aadam ah dhaawac loogu geysan.

Maxkamadda dambiyada dagaalka ee caalamka ICC ayaa sheegtay in aanay wax caddeymo ah oo ku filan u helin dacwadda loo haystay Kenyatta, sidaa awgeedna ay go’aan ku gaadhay inay joojiso dacwadda, inkastoo warbixinta ICC lagu xusay inay dhici karto in dib loosoo celiyo haddii caddeymo ku filan loo helo.

Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Ruto ayaa loo haystay sannadihii lasoo dhaafay dacwado bani’aadamnimo oo la xidhiidha dilka in ka badan 1,000 qof oo Kenya ah iyo barakicinta kumannaan kale, kaddib rabshado dalkaas ka dhacay sannadkii 2007, markaasoo lagu murmay natiijada doorashadii madaxnimo ee dalkaas.

Si kastaba ha haateen, dhibanayaashii dadkooda lagu waxyeelleeyay falkii ka dhacay Kenya ralli kama noqon doonaan go’aanka ICC ay ku baabi’isay dacwaddii loo haystay Kenyatta.

Maxkamadda ayaa waxaa weli yaalla dacwado kuwa Kenyatta oo kale ah oo loo haysto madaxweyne ku xigeenka dalkaas, William Ruto iyo wariye ka tirsan idaacad maxalli ah oo lagu magacaabo Joshua Arab.