Hargeysa, Somaliland, December 8, 2014 (Codka Hargeysa) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhallinyaro shiidaal iyo rabash ku samaysay xafladaha mucaaradka ku dhiganayey hoteel Crown dhowaan.
Faysal Cali Waraabbe ayaa madaxweynaha usoo jeediyey in aanu noqon madaxweynihii Zimbabwe oo uu sheegay inuu dhalinyaro u diro soo shiidda siyaasiyiinta mucaaradka, waxaanu arrintaasi ku tilmaamay mid ugub ku ah dhaqanka Somaliland, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Madaxweyne waxaanu doonaynaa inaad noqoto Nalson Mandeela ee ma doonayno inaad noqoto Robet Mogabe, dadkan lagugu tilmaamayo ee la leeyahay waxay odhanayaan Asxaaabta soo shiida, Caadada waxa lagu yaqaanay oo kaliya Robet Mogabe oo la odhan jiray wuxuu yidhaa Mucaaradka soo garaaca ee ta inaga daa Caadadeena iyo dhaqankeena may ahayne in dad la abaabulo ay Asxaabta iyo qofka hadlaya ay shiidaan hore looma arki jirin, markaa waa caado ku soo korodhay dalkeena, waa caado xun.”.
Gudoomiyaha xisbiga ayaa sheegay in la tartamayo balse aanay haboonayn in xisbiyadda la shiidshiiido, isagoo xisbiga WADANI ka tacsiyadeeyey falkaasi ka dhacay “Waxaanu leenahay Madaxweyne Arintaas ka hadal, waynu tartamaynaa maaha in dadka la tuurtuuro, anagana maalin dhawayd waa nala tuurtuuray laakiin, way noo naxariisteen anaga laakiin Waddani waa loo weheliyay oo umay naxariisan ee sixin bay u galeen baa la yidhi, waanuna ka tacsiyadaynaynaa Xisbigaa Mucaaradka ah fool xumadaas loo gaystay.waxaanu leenahay Caadadaas xun inaga joojiya walaalayaal”
Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa Khamiistii la soo dhaafay Dhalinyaro abaabulani weerar culus ku qaaday Munaasibad uu ku qabsaday Hotel-ka Crown ee Hargeysa, halkaasi oo waxyeelo soo gaadhay Baabuur ilaa 15 lagu qiyaasay iyo dad dhagaxu waxyeeleeyay, halka mulkiilaha hoteel Crown sheegay inuu dacwad ka dhan ah hantiisa khasaaraha soo gaadhay u gudbinayo maxkamaddaha dalka.