Cutubyo Ciidanka Qaranka Ah Oo Shalay Ku Waaberiistay Degaanadda Galbeedka Somaliland

0
340

Boorama, Somaliland, December 8, 2014 (Codka Hargeysa) – Cutubyo ka tirsan ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa shalay subax ku waaberiistay inta u dhaxaysa deegaanada Boon iyo Boorama si ay u xoojiyaan ergeda Dawladda iyo baayacmushtarka ku daba jira sidii col iyo nabad mid uun looga keeni lahaa hogaamiye-beeleedka ku dhawaaqay dagaalka ku liddiga ah Somaliland, kaas oo la sheegay inuu deegaankaasi ku haysto maleeshiyo beeleedyo.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, kaddib afar maalmood oo waanwaan iyo nabad-raadin ah ayaan ilaa hadda wax war ah laga soo saarin oo khuseeya waanwaanta ka socota degaanka Qulujeed ee dhinaca Somaliland iyo xadka dhinaca Itoobiya, halkaas oo ganacsato ka soo jeeda jufada hogaamiye-beeleedka ku dhawaaqaya dagaalka, Abuubakar Wabar, iyadoo eregeda dawladda iyo ciidamada halkaa tegeyba ka dhur sugayaan waxa ka soo baxa baayacmushtarka iyo hogaamiye-dhaqameedyada beelaha kale ee Jibriil Yoonis iyo suldaanka, iyadoo magaalada Qulujeed oo ah hoyga Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, laguna caleemo saaray suldaanka dagaalka ku baaqay haatanna ay ka socdaan badi wadahadaladda nabad-raadintu, ayaa lagu wadaa inay ka soo baxaan natiijo col iyo nabad midkood xambaarsan, xoog iyo xeer midkoodna lagu dhameeyo dagaalka siyaasadeed ee u bilowday qaybo ka mid ah dadweynaha reer Awdal iyo xukuumadda.

Ciidamadan shalay u gudbay degaanadaasi, oo watay gaadiidka qoryuhu saaran yihiin ayaa ah markii u horreysay ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siillaanyo u soo dirto gobolka Awdal tan iyo intii ay xukunka kala wareegtay xisbul-xaakimkii hore ee UDUB.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI