Hargeysa (CH)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Dr Yuusuf Cali, ayaa maanta Madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey Todobada Xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Cusub oo todobaadkii hore ay ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland.
Kulan maanta ku qabsoomay qasriga madaxtooyada oo ay goob-joog ka ahaayeen madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka mid ah golihiisa Wasiirrada, ayaa lagu dhaariyey todoba xubnood ee guddiga doorashooyinka oo magacyadoodu kala yihiin Maxamed Jaamac Maxamed, Siciid Cali Muuse, Maxamuud Xasan Cali, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Cabdifataax Ibraahim Xasan, Cabdiraxmaan Cismaan Aadan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Prof Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa mid-mid u dhaariyey xubnaha Guddiga Cusub ee Doorashooyinka, kuwaas oo dhammaantood gacan loo saaray Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, kuna dhaartay inay si daacadnimo, caddaalad iyo dhex-dhexaadnimo ah ay u gudanayaan Waajibaadka ay Qaranka ugu xil-saaran yihiin.
Markii ay dhaarinta Guddigu dhammaatay, waxa kulanka ka hadlay Madaxweynaha Somaliland ugu duceeyey in Eebbe u fududeeyo masuuliyadda ay xilkeeda qaadeen, waxaanu u soo jeediyey inay kalsooni ka haystaan shacabka iyo Qarankaba, sidaas awgeedna uu rejaynayo in xil-gudashadoodu horumar iyo caddaalad u horseeddo dalka.
HALKAN KA DHEGAYSO DUCADA IYO DAR-DAARANKA MADAXWEYNAHA