Wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Somalia oo loo muddeeyey 15-ka Bisha January

0
357

Hargeysa (CH)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa tafaasiil ka bixiyey natiijada shir gogol-xaadh u ah wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya oo magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku dhexmaray Madax ka socotay dawladda Soomaaliya, kaas oo lagu jaan-gooyey ajandayaasha lagaga wada-xaajoon doono wada-hadallada labada waddan oo la filayo inay dhowaan ka furmaan dalka Turkiga.

Wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Somalia oo loo muddeeyey 15-ka Bisha JanuaryWasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo maanta war-fidiyeennada kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in shirkaasi is-garad ugu dhammaaday isla markaana lagu muddeeyey wada-hadaladii labada waddan wakhtiga ay qabsoomayaan oo uu sheegay in laysla qaatay  15-ka bisha January ee sannadka soo socda inay ku qabsoomaan dalka Turkiga muddo laba maalmood ahna wada-hadalku socon doono.

HALKAN KA DAAWO