Siyaasiyiin iyo Taageerayaal ka soo kala jeeda Gobollada Selal iyo Gabiley oo Cududooda ku darsaday Xisbiga UCID

0
311

Hargaysa (CH)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa munaasibad ballaadhan ku qaabiley Taageerayaal cusub iyo siyaasiyiiin ka soo kala jeeda gobollada Selal iyo Gabiley, kuwaas oo si rasmi ah cududdooda taageero kula midoobay Xisbiga.

Munaasibaddan oo maanta ka dhacday magaalada Hargeysa, waxa taageerayaasha iyo siyaasiyiinta u diga-rogtay kala qayb-galay masuuliyiinta u sar-sarreysa Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID), kuwaas oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe, Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka Cabdirashiid Xasan Mataan, masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan, Xildhibaanno iyo dadweyne tiro badan.

DSC00447Ayaanle Daahir oo ku hadlayay afka taageerayaasha Xisbiga Ku biiray oo ugu horeyn munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay in Ugaaska Beesha Ciise ugu duceeyey inay taageeradooda kula garab-joogsadaan Xisbiga UCID, iyaguna ay la qaateen wixii immika ka dambeeyana ay hiil iyo hooba la bar-bar joogaan.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Murashax Dr Maxamed Nuur Hufane oo ah Aqoonyahan ka soo jeeda gobolka Salal oo shaaciyey inuu Xisbiga isaga sharraxayo Doorashoyinka golaha Wakiilada ee Sannadka soo socda, isaga oo sheegay inay taageerayaashiisu cududdooda la barbar taagan yihiin Xisbiga UCID. Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Xisbiga Ucid Iyo Masuuliyiin Kale.

Murashaxa Madaxweyen Ku Xigeenka Xisbiga UCID Aqonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa si si farxad ku dheehantahay u soo dhaweeyay taageerayaasha ku biiray xisbiga, waxaanu ku si adag uga hadlay xaaladdu dalka ku suganyahay isagoo halkaasi ka ballan qaaday in xisbiga UCID uu yahay xisbiga dalkan is beddel kheyr qaba ka dhalin kara.

Gudoomiyaha xisbiga UCID  Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay munaasibadan, ayaa si diiran u soo dhaweeyey taageerayaashan, waxaanu sheegay inuu rajaynayo inuu xisbiga Ucid ay u soo baxaan xildhibaano dadka wax u qabta.

 “Waxaan jecelahay inay umadda Somaliland ee aan ka muuqan awoodda qaranka inay ka muuqdaan, dadka reer Saylac ee qaaddacay  doorashadii hore ee golaha wakiilada waxaan rajaynayaa inay wakhtigan si fiican uga qayb qaadan doonaan oo ay dhulkooda ku soo noqon doonaan, waaanan soo dhawaynayaa musharaxa reer Saylac ee iska soo sharaxay xisbiga. Waxa kale oo aan soo dhawaynayaa musharaxa reer Gabiley ee isaguna iska soo sharraxay xisbiga, waxaanan leeyahay doorkan waa markii xisbiga UCID waxaanan leeyahay dadka reer Somaliland ha toosaan,” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID.