Madaxweynaha Somaliland oo kulan la yeeshay Wefti ka socday Dawladda Maraykanka, Maxaase laga wada-hadlay?

0
283

Hargeysa (CH)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo Xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay wefti ka socda dawladda Maraykanka oo maanta dalka soo gaadhay.

DSC_0147Weftiga ka socda dawladda Maraykanka waxa xubno ka ah Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya iyo Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka ee USAID, Miss Etin Lindia iyo saraakiil kale, iyada oo xubnahahi noqonayaan weftigii ugu meeqaamka sarreeyay dawladda Maraykanka ee socdaal ku yimaadda Somaliland muddadii xukuumadda Kulmiye talada dalka gacanta ku haysay.

Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

In kasta oo kulanka dhex-maray madaxweynaha iyo weftiga Maraykanka aanay saxaafaddu goob-joog ka ahayn isla markaana aan la ogeyn waxyaabaha ay ka wada-hadleen, waxa si wada-jir ah saxaafadda ula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Safiirka dalka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

HALKAN KA DHEGAYSO