Murashaxa Madaxweynaha UCID oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Garoonka Heathrow ee London, todobaadkanna soo gunaanada Safar uu isaga dab-qaaday Yurub iyo Woqooyiga Ameerika

0
318

London (CH)- Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa subaxnimadii Saaka ka soo degay garoonka Diyaaradaha Heathrow ee magaalada London, ka dib markii uu socdaal muddo todobaad qaata ugu maqnaa waddanka Maraykanka, halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay taageerayaasha xisbiga ee Woqooyiga Ameerica.

soodhawayntii jamaal (7)Masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee dalka UK, Gudoomiyaha Garabka Haweenka, madax sare-sare oo ka tirsan Xisbiga, Taageerayaal ka tirsna Xisbiga UCID oo isaga kala yimi magaalooyinka waaweyn ee UK, ayaa murashax Jamaal Cali Xuseen subaxnimadii Saaka kaga hortagay Garoonka Healthrow oo ay si ballaadhan ugu soo dhaweeyeen.

Murashax Jamaal Cali Xuseen, ayaa madaxdii dalka ku soo dhawaysay iyo taageerayaashaba uga mahad-celiyey soo-dhawaynta ay ku qaabileen, waxaanu mahad-naq ka dib, xog-warran kooban ka siiyey safarka uu kaga soo laabtay dalka Maraykanka oo uu ku sifeeyey guul xisbiga u soo hoyatay isla markaana uu kulamo kala duwan la qaatay taageerayaasha Xisbiga ee Woqooyiga Ameerica oo uu xusay inay isla af-garteen sidii loo xoojin lahaa taageerada Xisbiga, waxaanu carrabka ku adkeeyey qodobbo muhiim u ah dhismaha iyo xilligan kala-guurka siyaasadeed iyo Arrimaha Doorashooyinka ee dalka ku soo fool-leh si wada-jir ah looga gaashaaman lahaa.

soodhawayntii jamaal (6)Kulan kooban oo murashaxa, masuuliyiinta iyo taageerayaasha Xisbigu ku yeesheen Qaybta Nashada ee Madaarka ka dib, waxa Aqoonyahanka loo gudbiyey Hotel-ka uu ka deggan yahay magaaladaas, halkaas oo markii dambe kulamo ay ku qaateen madaxda sare-sare ee Xisbiga.

Murashaxa Madaxweynaha ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda u amba-baxo xaggaa iyo waddankii, ka dib dhowr maalmood uu socdaal ku joogi doono dalkan UK.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRADA

js (2) js (1) soodhawayntii jamaal (7) soodhawayntii jamaal (1) soodhawayntii jamaal (2) soodhawayntii jamaal (3) soodhawayntii jamaal (4) soodhawayntii jamaal (5)

Codkahargeysa.com

London, UK