Maxay Xukuumaddu ka tidhi doorkii ay ku lahayd Weerarkii lagu qaaday Hotel Crown iyo eedaymaha uu Mulkiile Cismaan Hindi u jeediyey?

0
328

Hargeysa (CH)- Wasiir ku xigeenka Amniga Somaliland Cali Cilmi iyo Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa si wada-jira u beeniyay,isla markaana waxba kamajiraan ku tilmaamay in madaxtooyada laga soo abaabulay dhalinyaradii carqaladeysay Xafladii Xisbiga WADDANI dhawaan ku qabsaday Huteelka Crown ee Magaalada Hargeysa.

Fadal_Cali-DheereCali Gadheer iyo Cabdilaahi Fadal oo maanta la hadlayey warbaahinta, waxa ay waxba kama jiraan ku sheegeen warqad uu sheegay Mulkiilaha Hotelka Crown inuu u gudbiyey Laamaha Amniga dalka, taas oo uu sheegay inuu ugu gudbiyey khasaaraha ka soo gaadhay Weerar koox dhalinyaro ku qaadeen Hotelkiisa wakhti maalintii Khamiista ee todobaadkii hore ay ku xafladaysanayeen Xisbiga Waddani oo taageerayaal ku soo biiray u dabaal-degayay.  

Wasiir kuxigeenka Amniga Somaliland Cali Gadheer ayaa sheegay dhalinyaradii Xisbiga WADDANI ku soo uruuriyay Huteelka Crown in buuqoodii iyo nidaam la’aantoodii ay isku buuqeen, waxaanu yidhi “Arrintaa wax alaaliyo wax ka jiraa ma jiro,waxaanan anigu qabaa dhalinyaradii Xisbiga WADDANI kusoo uruursaday Huteelka, ayaa buuqoodii iyo bilaa nidaamkoodii ayaa ku qarxay, dhalinyarada  Madaxtooyada iyo meel kale oo laga soo abaabulay midna ma jirto,waana war aan sal iyo raadtoona lahayn, Ciidanka booliskuna waajibaadkiisi wuu ka qabsaday,”

Mar la weydiiyay Wasiir kuxigeenka Amniga Somaliland Cali Gadheer waxa jirey dhalinyaro ku hubeysan dhagaxaan inay soo waeerareen Huteelka Crown oo ay Xaflad Xisbiga WADDANI ku qabsaday, taasina ay sababtay in baabuur baddani Muraayadaha laga jajabiyay arrintaasi miyaanay jirin? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Meesha Rabshadii way ka dhacday oo ciidamada Amniguba way yimaadeen, Taliyaha qeybta Galbeedku sidii loogu talo-galay ayuu uga hawlgalay. Annagu waxaanu qabnaa dhalinyaradii ay meesha ku soo uruursadeen Xisbiga WADDANI ayuubaa ku qarxay, inay nidaamiyaana ay garan-waayeen,annaga waajibkayagu waxa weeyaan haddii ay meel wax ka dhacaan inaanu tagno oo aan amaankooda sugno, waanan tagnay oo waajibkayagiina waanu ka gudanay”.

Sidoo kale, Cali Gadheer  mar la weydiiayay inay jirto waraaq uu idiin soo qorey Maamulaha Hudheelka Crown Cismaan Hindi “Cid alaaliyo cid nooga soo ashkatootay midna ma jirto, wax waraaqa oo na loo soo qoreyna ma jirto, Anigu waaban yaabay markii uu caawa(Xalay)  Telefiishanka Horn Cable TV uu ka yidhi Cismaan Hindi madaxtooyada ka danbeysay,warkaasina maaha mid sal iyo raad-toona leh, wax ka jiraana ma jiro”

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa beeniyay inuu maamulaha Hudheelka Crown uu la soo xidhiidhay, wax waraaqa oo uu noo soo qoreyna ma jirto, waxaanu yidhi, “ Maamulaha Huteelka Crown ee magaalada Hargeysa Cismaan Hindi waxa uu caawa(Xalay) telefiishanka ka sheegay inuu waraaq noo soo qorey, waa war aan sal iyo raad toona lahayn oo waa waxba kama jiraana, wax waraaqa oo uu noo soo qoreyna ma jirto,xitaa nalamuu soo xidhiidhi.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Dhalinyaradii Xisbiga WADDANI ay meesha ku uruursadeen ayaa rabashka bilowday, Ciidanka booliskuna wuu u gurmaday, oo Taliyaha saldhiga Koodbuur oo u soo gurmaday ayaa gaadhigiisi khasaare soo gaadhay,”sidaas ayuu yidhi Taliyuhu.

CODKAHARGEYSA.COM