Hargeysa (CH)- Hoggaanka Ururka Dhalinyaro oo la baxay Jiidali ayaa shalay xabsiga laga sii daayay kadib markii xukuumadda Axmed Siilaanyo taxaabtay dhawr toddobaad horteed.
Ururkan oo dhalinyaraddu u abaabushay hanaan beelaysan ayaa xukuumaddu ka shakiday, islamarkaana madaxdiisii xabsiga ku gurtay, hase yeeshee guddoomiyaha, gudoomiye ku xigeenka iyo Afhayeenka Ururka Jiidali Cabdiraxmaan Xasan Aadan, Maxamed Cabdikariim Cumar iyo Faysal Cumar Madar (Qumuj) oo uu weheliyo Aqoonyahan Cabdi Beddel Cumar ayaa maanta la soo daayay iyada oo aan wax maxkamad ah la horgayn, islamarkaana lagu soo oogin dubuub ay qaranka Ka galeen oo ay ku muteen Xabsi.