HARGEYSA (CH)- Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa maanta kulan la qaatay maamulka waaxda Dab-demiska ee Dawladda Hoose, waxaanay ka wada-hadleen sidii loo ballaadhin lahaa adeegga dab-demiska caasimadda iyo goobaha ay ka hawl-galaan ee caasimadda.
Maayarka Caasimaddu waxa uu maamulka Dab-demiska Dawladda Hoose ka dhegaystay warbixin ku saabsan wax-qabadka ay fuliyeen muddo dhowr bilood ah oo dawladda Hoose bilowday adeegga dab-demiska caasimadda, waxaan uga mahad-celiyey dedaalka ay ugu jireen daboolidda baahiyaha bulshada ee dhinaca Dab-demiska.
Ugu horeyn, waxa kulanka ka hadlay, isla markaana wax-qabadyada ay ku tallaabsadeen muddadii ay hawl-galka bilaabeen ilaa wakhtigan sharraxaad kabixiyey Agaasimaha Waaxda Dab-demiska ee Dawladda Hoose Cabdiqaadir Cumar Xaashi, waxaanu yidhi, “Waxaanu shaqada si rasmiya u bilownay 17 May, 2014 waxaana ilaa wakhtigaasi bakhtiinay oo aanu u gurmanay 101 dab oo ka kacay guryaha caasimadda ku yaalla, heegan joogta oo ay ku jiraan ciidanka dabdamiska ayaa keentay in wakhtiga ugu badan ee ay ku gaadhaan guri gubanaya ay tahay saddex daqiiqo gudahood, dhalinyartan dab-damiska ka shaqaysa waxay tobabaro ku qaataan xarunta dawladda hoose, waxaanay 24 saacadood ku jiraan heegan buuxda habeen iyo maali is bedela.”
“Muddadii ay kooxdani shaqaynaysay waxa aad u yaraaday dabkii baabi’in jiray guryaha, waxaana dadweynaha kala kulanay soo dhoweyn iyo inay si wanaagsan noola shaqeeyaan. Sidoo kale, waxaanu u mahad celinaynaa maayarka Caasimadda oo si wanagsan noola shaqeeya, isla markana wax kasta oo aanu u baahano sida ugu dhakhsiyaha badan noogu dhameeya, wada shaqayntaasina waa keentay in maanta dadku ku hurdaan kuna seexdaan Dab-damisyada dawladda hoose oo ka kooban sideed gaadhi oo cusub iyo laba gaadhi,” ayuu yidhi Agaasime Cabdiqaadir Cumar Xaashi.
Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko oo halkaas ka hadlay, ayaa Waaxda Dab-demiska ee dawladda hoose uga mahad-celiyey wax-qabadkooda, waxaanu halkaas ka shaaciyey isbeddel iyo ballaadhin lagu samaynayo hawl-gallada Dab-demiska ee Caasimadda.
Maayarka Caasimaddu waxa uu dawladda Dhexe uga mahad-celiyey doorkii ay ku lahayd hirgelinta dab-demis ka hawl-gala magaalada Hargeysa oo Dawladda Hoose maamulkiisa gacanta ku hayso, waxaanu yidhi, “Mashruucan waxa mahad aad ah u jeedinaya Col Axmed Sawaxili oo arrintan dad badan kala hadlay, maalintii ugu horeysay ee aanu Axmed kulanay waxaanu ka wada hadalnay sidii Dabka wax looga qaban lahaa, firkadaasi fiicana waanu la qaadanay, markii firkaddi qaadanay ee qiimihiina ogaanay waxa dawladda hoose ka bixi karaana kooban yahay, waxaana arintaasi qaybta ugu weyn ka qaatay oo la’aantii socdeen mashruucani waa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, sidoo kale waxa u mahad naqayaa wasiirka Maaliyadda oo miisaaniyadda ku daray iyo wasiirka Arrimaha gudaha isna hawshaasi wax badan nagala qabtay.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Sanadka soo socda waxaanu ku dari doonaa dab-damisyadda afar gaadhi oo kale, waxa kale oo afar xarumood ka sameyn doonaa afarta koone ee magaaladda si meel walba uga gaadhi karno haddii uu dab yimaaddo, waxaan u mahad naqayaa dhalinyaradaasi dab-damiska ka shaqeynaya, waxaan shacabka leeyahay laba arimood inay ka qaybqaataan. mashruuca qaybtiisa labaad oo ah afar xarumood oo la dhisi doonno iyo afar gaadiid cusub oo la soo iibin doono marka waa inay ka qaybqaataan soo iibintiisa iyo hawlaha kale looga baahan yahay, waxaanu mar labaad umahad naqaynaa madaxweynaha iyo wasiirka Maaliyadda oo miisaaniyadda noogu daray laba boqol oo kun oo lagu soo iibin doono gaadiidka iman doonna.”
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Daahir, Suldaan Axmed Daahir, Axmed Sawaaxili iyo xubno kale oo uu ka mid yahay muwaadin qurbojoog ah oo isna qalab ugu deeqay Dab-damiska.
Codkahargeysa.com
Hargeysa, Somaliland