Boorama, Somaliland, December 5, 2014 (Codka Hargeysa) – Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa xalay gaadhay Boorama, kuna dhexdhacay xaalado siyaasadeed iyo beeleed oo murugsan kuwaas oo bilihii la soo dhaafayba saameyn ku yeeshay xidhiidhka xukuumadda iyo dadweynaha gobolka Awdal.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, wasiir Abgaal ayaa socdaalkiisa Boorama lagu tiriyaa inuu yahay kii ugu adkaa ee uu Boorama ku yimaaddo tan iyo intii uu xilka ka qabtay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siillaanyo isla markaana loo baahan yahay inuu xal ka gaadho arrimo xasaasi ah oo khuseeya beelaha uu ka soo jeedo ee deegaanka Boorama iyo beelaha kale ee ku nool magaalada Boorama, waxna ka qabto sidii uu u soo nooleyn lahaa maamulka dawladeed ee hoos u sii dhacaya iyo xidhiidhka beelaha iyo dawladda ee sii xumaanaya.
Wasiir Abgaal oo lagu tiriyo wasiirada qunyar socodka ah ee ka soo jeeda gobolka Awdal, ayaan ilaa imika la ogeyn sida uu hogaamiye-dhaqameedyada gobolka Awdal uga soo leexin lahaa jihada siyaasadeed ee ay maanta qaadeen kuwaas oo sababay is aamin la’aan ka dhex taagan xukuumadda, odayayaasha iyo shacbiga gobolka.
Dhinaca kale wasiir Abgaal ayaa looga fadhiyaa inuu shiishka saaro shakigana ka saaro tuhunada ku xeeran arrimo ay ka mid yihiin ciidan beeleed aan weli la arag balse laga hadalhayo Boorama bishan iyo bishii horeba, xumayna kara xidhiidhka dalalka deriska ah iyo Somaliland, shir-beeleedka soo socda, xoojinta taageerada xisbiga KULMIYE oo aan gobolkan ku lahayn xafiis iyo masuulyiin miisaan ku leh buslahada dhexdeedaba, xisbiyada mucaaradkuna barroosinka dhigteen iyo arrimaha ammaanka.
Wasiir Abgaal, kana mid ahaa guddi Madaxweyne Siillaanyo u saaray qiimeynta tabashooyinkii qaar ka mid ah oday-dhaqameedyada gobolku u gudbiyeen Madaxweyne Siillaanyo ayaa sidoo kale waxa sugaya jawaabaha su’aalo badan oo ku saabsan waxa uu uga sido xukuumadda iyo Madaxweynaheeda Axmed Siillaanyo, waana goor hore in la saadaaliyo sida wasiirku uga dabbaalan doono arrimahaasi.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI