Munaasabad Loo Qabtay Arday Dhammaystay Tababar Saxaafadda Ah Oo Kulmisay Xukuumadda Iyo Ururka SOLJA

0
352

Boorama, Somaliland, December 5, 2014 (Codka Hargeysa / Saxafi) – Masuuliyiin ka kala tirsan xukuumadda Somaliland iyo Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa shalay Boorama kaga wada qaybgalay munaasibad shahaadooyin lagu guddoonsiinayey arday dhammaysatay tababar dhinaca saxaafadda ah.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, dhinaca Xukuumadda ayaa munaasibaddan waxa uga qayb-galay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta, Afhayeenka Madaxtooyada, Maareeyaha TV’ga Qaranka, Badhsaabka gobolka Gabiley ahaana Guddoomiyihii hore ee SOLJA xilligii xukuumadii Rayaale, maayarka Boorama iyo masuuliyiin kaleba, halka dhinaca ururka SOLJA uu xafladdan uga qaybgalay Xoghayaha Guud ee ururkaasi Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax.

Munaasibaddan shahaadooyinkii ardayda dhammaysatay tababarka dhinaca saxaafadda, laguna qabtay Huteel OSLO, ayaa waxa soo xidhay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdi-Waaxid Cabdiraxmaan, kaas oo khudbad u jeediyey suxufiyiinta dhallinyarada ah ee soo dhammaysatay tababarka saxaafadda, isagoo wasiir ku-xigeenku ardayda kula dardaarmay inay mihnadda ay barteen ugu shaqeeyaan si daacadnimo ah, cidna aanay dhinaca saarin.

Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo isagu ka soo sheekeeyey tababarkii dhinaca saxaafadda ama warbaahinta ah ee uu ku qaatay Boorama, ayaa sheegay in suxufinnimada Boorama laga bilaabo lagu dallaco, sidaa darteedna jidkii uu u soo maray xilka Afhayeennimada ee uu maanta ka hayo Madaxtooyada dalka ay iyaguna hiigsadaan.

Xoghayaha Guud ee ururka SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo isagu munaasabaddan Boorama u yimi shalay, masuulyiinta dawladduna kaga daba yimaaddeen magaalada ayaa suxufiyiinta dhallinyarada ah ee dhammaysatay tababarka kula dardaarmay inaanay qarin oo ay sheegaan wax kasta oo sax ah ama khalad ah, dhaliilaha dawladda iyo maamulka laamaha dawladdana u soo bandhigaan dadweynaha.

Ardaydan dhammaystay tababarka ayaa isugu jira gabdho iyo wiilal hal sano mihnaddaasi ka baranayey machad ku yaalla Boorama.

Halkan Ka Dawo: