Hargeysa, Somaliland, December 5, 2014 (Codka Hargeysa) – Ciidamadda Waaxda socdaalka ayaa xalay sameeyay mar kale hawl-gal ay ku baadhayaan Huteelada iyo meelaha dadka Safarka ahi deganyihiin ee magaalooyinka Somaliland gaar ahaan caasimada Hargeysa.
Sida ay Tilmaameen wararka aanu ka hellay ilo u dhuundaloola hawlgalkan. Ciidamada waaxda socdaalku waxaa ay su’aallo weydiinayaan dadka socotada ah ee degan huteeladda, su’aalahaas oo ay ka mid yihiin aqoonsiyadooda iyo meesha uu ka yimid mid waliba. Warku waxaa uu intaas ku daray in dhowr qof oo ciidamada waaxda socdaalku ay ka shakiyeen xabsiga loo taxaabay, kuwaasoo ay ku jiraan affar qof oo Hindi ah oo xogaha qaarkood tilmaameen inay u shaqeeyaan shirkadaha dhismaha qaarkood.
Ajaanibkan ayaa markii ciidamada amaanku taxaabeen, waxaa ay qaar ka mid ah dadweynihii ka ag dhawaa goobta laga taxaabay muujiyeen shaki ay ka qabaan cidda qaaday iyo sababta loo xidhxidhay. Goobjoogayaashan qaarkood oo nala soo xidhiidhay ayaa waxaa ay sheegeen inay fahmi waayaan hawlgalka socda. Balse, xogaha aanu helay waxaa ay muujiyeen in xubnahan loo qabqabtay aqoonsiyadooda oo aanay sidanin xiliga la qabanayay. “Hawlgalkani waa mid aanu kulla dagaalano sharci daradda, islamarkaana lagu sugayo amaanka. Wax dheeraad ah oo jiraana ma jiraan aan ka ahayn, hawlgalada suggida amniga guud ee qaranka iyo kuwo aanu kaga hortagayno Tahriibka oo isaga aanu kula jirno dagaal balaadhan.” Sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah saraakiisha waaxda Socdaalka oo aanu la xidhiidhnay. Balse waxaa uu diiday inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo. Waxaana uu intaas ku daray oo kale in ay huteeladda hore ugu wargaliyeen inay dadka weydiiyaan aqoonsi oo aanay ogolaan cid aanay hayn xogteedda ama sharcigeeda. Sidoo kalena ajaanibka aan sidan sharci ee suuqa lagu arko ay socdaal ahaan qabtaan.
Maaha markii koobaad ee hawlgan oo kale waaxda socdaalku qaaday, balse laba saddex jeer oo hore ugu yaraan ayay talaabadan oo kale ku dhaqaaqeen.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI