Xoghayihii Maaliyadda UCID oo sheegtay inay ku biirtay Xisbiga WADDANI oo shalay soo dhaweeyey

0
446

Hargeysa (CH)- Xoghayihii Maaliyadda Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faadumo Siciid Ibraahin oo dhawaan war ay ka soo saartay magaalada Dubai oo ay booqasho ku joogtay ku shaacisay inay iska casishay xilkaas ay UCID ka haysay, ayaa Isniintii maanta sheegtay inay ku biirtay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

faadumo Siciid_WaddaniFaadumo Siciid oo maanta ku soo laabtay Hargeysa, ayay Siyaasiyiin iyo Xubno ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo ay ka soo degtay, waxaanay sheegtay inay ka mid noqonayso WADDANI oo ay ku biirtay, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda Xisbigaasi u samayn doono Munaasibad soo dhawayn ah.

“Kollay inaan is-casilay waad maqasheen oo aanan faah-faahin ka bixin u jeeddada aan isu casilay, Xisbiga WADDANI-na in aan ku soo biiray  waad arkaysaanba,” Sidaa ayay tidhi Faadumo Siciid Ibraahin oo ay garabkeeda taagnaayeen Xubno WADDANI ka tirsan oo ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cigaal ee Caasimadda Hargeysa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-Xoog) iyo Xildhibaan Baar Siciid oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, kuna hadlayey Afka Xisbiga, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Faadumo Siciid ku soo biirto WADDANI, iyagoo xusay inay si diirran oo gacmo-furan, qalbi furan iyo laab furan ah ugu soo dhaweynayaan inay ka mid noqoto Faadumo Siciid Xisbiga WADDANI.

Faadumo Siciid oo aan hore Siyaasadda ugu jirin, balse ka mid ahayd Haweenka Aqoonyahanka ah ee reer Somaliland, isla markaana dhinaca Hay’adaha Sama-falka iyo Ururrada Waddaniga ah shaqadeedu u badnayn, ayaa siyaasadda ka soo gashay Xisbiga UCID oo ay ka mid noqotay sannadkii 2012-kii, iyadoo ka mid ahayd Garabkii New UCID ee uu hoggaaminayey Musharraxa Jagada Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen oo wakhtigaas ku biiray ama la midoobay Xisbiga UCID.