Hargeysa (CH)- Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ansixiyey Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah iyo Ta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lambar 37/2007 oo hore Shir-guddoonka Wakiilladu ugu gudbiyey, ka dib markii ay Xildhibaannada Golaha Wakiilladu aqlabiyad ku ansixiyeen 30-kii September ee sannadkan, isla markaana gudbintiisu khilaaf cakiran oo Sabtidii toddobaadkii hore Guurtidu xalliyeen ka dhex-dhexliyey Mudanayaasha Muxaafidka iyo Mucaaradka Aqalka Wakiillada.
Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Mudanayaasha Aqalka Odayaasha waxay Shir-guddoonku ku wargeliyeen in loo codaynayo Ansixinta Xeerka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka iyo ta Madaniga ah ee Somaliland oo Xildhibaannada Sabtidii loo qaybiyey.
Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Guurtida Siciid Jaamac Cali oo inkasta oo Guddoomiyuhu fadhiyey, haddana isagu shaqada waday, ayaa Xildhibaannada u sheegay inay saxeex qodobbadii Khilaafka Golaha Wakiillada kala qaybiyey ee ku jiray Xeerkaas, maaddaama oo Sabtidii toddobaadkii hore ku dhawaaqistii natiijada xallinta khilaafka ka dib awood loo siiyey inay Guurtidu sixitaan ku sameeyaan qodobbadaas.
“Xeerkani waxa weeye Xeer markiisii horena laga shaqeeyay, iskhilaafka ama faraqa u dhexeeyayna wax yar buu ahaa, waxaana awood la innoogu siiyay inaynu sixitaan ku samayno, Qodobbadii ugu muhiimsanaa ee Khilaafku ku jirayna waynu saxnay. Xeerkanina waa Xeer in badan soconayay, la isku eedeeyay, Guurtida lagu eedeeyay, Wakiillada lagu eedeeyay, Xukuumadda lagu eedeeyay, shaqadiisiina la yidhi; ‘waa la hor taagan yahay, nimankii fulin lahaana waa kuwii dorraato la ansixiyay (Guddiga doorashooyinka). Si aan Xeerkaasi dib u dhac ugu iman oo aan eeddiisu innoo saarnaan wixii shaqo ah waan ka soo qabannay waana inaan ansixino.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Guurtidu.
Intaasi ka dib ayaa Xeerka cod loo qaaday, waxaana oggolaaday ansixintiisa 52 Mudane oo ka tirsan 82-ka Xildhibaan ee Golaha Guurtidu ka kooban yahay, Hal Mudane ayaa diiday, Afar Xildhibaan-na way ka aammuseen, Guddoomiyuhuna muu codaynin, sidaas ayaanu ku ansaxay Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah iyo Cod-bixiyeyaasha Somaliland sida uu sheegay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida oo sheegay in fadhiga ay ka soo xaadireen 57 Xildhibaan, isla markaana ay codayntu sidaas u dhacday.
Xeerkan ayaa lagu Maamulayaa diiwaangalinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka soo socda ee Somaliland la filayo inay ka dhacaan sannadka inna soo food-saaray ee 2015-ka iyo sidoo kale diiwaangelinta Madaniga ah oo iyadu ku dhawaad saddex bilood ka socotay Caasimadda Hargeysa, kana bilaabmi doonta gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka bishan aynu ku jirno sida ay Guddiga hagayaa sheegeen.
Waxa uu Xeerkan diiwaangelinta ee maanta Guurtidu ansixiyeen uu yahay mid ka mid ah Shuruudaha muujinaya isu-diyaarinta doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ay Beesha Caalamka ee Somaliland geeddi-socodka dimuquraadiyadda iyo nidaamka doorashooyinka ka taageeraa ku xidheen inay Somaliland fuliso hirgelinta Xeerarkaas iyo ansixinta xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka oo iyagana Sabtidii toddobaadkan ay Mudanayaasha Golaha Wakiilladu ansixiyeen.