Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Halwgallo Kala Duwan Oo Ay Fuliyeen

0
465

“Wiil Koox Kubadeed Ku Jira ayaa marka uu ka baxo kooxdii reerkoodii oo aan waxba galabsan la weerarayaa, hawlgalkaa tiro aad u baddan ayaanu ku qabqabanay.”

Hargeysa,Somaliland, November 30, 2014 (Codka Hargysa / Saxafi / Hayaannews) – Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa Sheegay inay ciidanka Boolisku gacanta ku soo dhigeen eedaysane Muuse Cabdi Cabdulle oo loo haysto inuu qof ku Dilay Xaafadda Macalin Haaruun ee Caasimadda Hargaysa, waxaanu sheegay in  sharciga la horgeyn doono, isla markaana waxa uu ku dooday inay hawl-galo ciidanka boolisku sameeyeen lagu soo qab-qabtay Dhalinyaro rabshad wadeyaal ah oo habeenkii Koox Koox u dagaallama.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo ka hadlayay qaabkii ay u soo qabteen eedaysanahan ayaa waxa uu yidhi “27 Novermber 2014, abaaro 10:00 subaxnimo ayaa eedaysane Muuse Cabdi Cabdule waxa Xaafada Axmed Macalin Haaruun uu ku dilay Marxuum la odhan jirey Axmed Xuseen Ibraahim, kadib wuu baxsaday gacan ku dhiigluhu, Ciidanka booliska Somaliland oo kaashanaya beeshii uu ka soo jeeday eedaysanuhu hawlgal balaadhan oo ay ciidanka boolisku sameeyeen waxay gacanta ku soo dhigeen maanta (Shalay)oo ay taariikhdu tahay 29 Novermber 2014 eedaysane  Muuse Cabdi Cabdule. Aniga oo taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxaan uga mahad-celinayaa beesha uu ka soo joodo oo si hagar la’aana ula hawlgashay ciidanka booliska, waxaana lagu qabtay aga gaarka Saba-wanaag meel u dhow Ina Hindise iyo Shaarub. Waxaanu ku xidhan yahay mid ka mida Xabsiyada magaalada Hargeysa, waxaana si degdega loo horgeyn doona sharciga Maxkamaddaha iyo Xeer-ilaalinta”.

 

Taliye Fadal isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Ciidanka Boolisku waxay beryan ku jireen hawlgal balaadhan, cidkasta oo nabadgelyada qaranka iyo bulshada reer Somaliland u geysanaysa dhibaato,.. kuwaas oo ah kooxo dhalinyaro ah oo koox koox u dagaalama, oo dhaqan aan hore loo arag isticmaala, oo inan koox kubadeed ku jira ayaa marka uu ka baxo kooxdii reerkoodii oo aan waxba galabsan la weerarayaa, hawlgalkaa tiro aad u baddan ayaanu ku qabqabanay, wixii falkaasi ku cadaaday sharciga ayaa la horgeeyey. Sidoo kale waxay ciidanka boolisku dagaal adag la galeen mukhaadaraadka, waxaanay xalay oo ugu danbeysay qabteen Baabuur iyo Khamri,”

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal mar uu ka hadlayay qaabka ay u waajaheen tahriibta iyo tirada  dadka ay todobaadkii u danbeeyey ay u soo xidhaan waxa uu yidhi“Ciidanka Boolisku waxay hawlgal adag ka galeen tahriibta wiigan oo kaliya ilaa 300 oo Ethiopian ah oo maanta kuwii ugu danbeeyey aanu qabanay, ayaanu dib ugu celinay dhinaca dalka Ethiopia, oo u baddan qoomiyada la yidhaahdo Oromada. Waxa kale oo ay ciidanka booliska Somaliland ku guuleysteen dhalinyaro fara baddan oo Somalilander ah oo laga soo qabtay xad-xadka ama goobo kala duwan, kuwaas oo dhamaantood lagu wareejiyay waalidkood. Waxa kale oo ay ciidanku hayaan niman baddan oo dadka tahriibiya, iyada oo horena tiro baddan sharciga loo horgeeyey.”

 

Taliye Fadal mar uu la hadlayay Gaadiidlayda isaga dhexgoosha Caasimada Somaliland, gaar ahaan Gadiidka lagu qaado ardeyda aadka u yaryar ayaa waxa uu yidhi“Waxa kale oo aan halkan fariin uga dirayaa Gadiidlayda ama wadayaasha Baabuurta waxay Ciidanka boolisku uga digayaan, wadayaasha Baabuurta Basaska ama kuwa kale ee qaada Caruurta ee Iskuulada iyo Madarisadaha kala duwan tagta inaanay si xawliya u wadi karin Gadiidka ay ku sidaan ubadka yaryar gaadhiga lagu qabto isaga oo si xawliya u socda waddooyinka oo caruur sida in talaabo laga qaadi doono iyo baabuur kasta oo xawli dheeraad ah ku socda. Gadiidkan oo sababa shilal dhaawac iyo dhimashaba keena. Sidoo kale waxaan u digayaa wadayaasha baabuurta dhiga meelaha aan Baarkinka (Parking) ahayn inay dhigaan baabuurtooda meelaha loogu tallogalay. Waxa Kale oo u sheegayaa Babauurta Basaska oo waxaad arkaysa Baskii oo waddadii socda oo isaga oon waddadii ka bixin waddada badhtamaheedii joojinayaa, taas oo ay ka iman karto khatar nabadgelyo oo naf iyo wax walba leh, waxaan uga digayaa Basasleyda marka ay dadka gurayaan inay gees wadadda uga baxaan oo ay baarkin (Parking) galaan”