HALKAN KA DAWO: Ganacsatada Qaadka Somaliland Uga Keena Itoobiya Oo Ku Hanjabay Inay Joojinayaan Una Wareeggayaan Kenya

0
432

Hargeysa, Somaliland December 1, 2014 (Codka Hargeysa) – Masuuliyiinta Shirkaddaha Qaadka Keena Somaliland iyo kililka Shanaad ee itoobiya ayaa Madaxda Kililka 5-aad ee Itoobiya ku eedeeyay inay kula kaceen tacadiyo dhanka ganacsigooda ah, iyagoo ku eedeeyay inay jabiyeen dastuurka Itoobiya oo dhigaya in ganacsigu xor yahay.waxay walaac ka muujiyeen dad qurbejoog Kililka 5-aad u dhalatay oo la siiyay ganacsiga qaadka, iyagoo ku hanjabay inay joojin doonaan Qaadka Somaliland uga yimaada Itoobiya islamarkaana dalka Kenya ay uga wareegi doonaan.

Af-hayeenka Shirkaddaha Jaadka Xasan Faarax Weerar (Xasan farruur), oo Shir jaraa’id ku qabtay habeenimada Isniintu soo galayso ayaa sharaxay caqabadaha soo anwejehay ganacsatada jaadka “Shirkan Jaraa’id waxaanu u qabanaynaa in aanu soo bandhigno Dad Ganacsato ah oo Xuquuqdii ay ku lahaayeen Ismaamulka Soomaalida Itoobiya waayey, marka Sannadkan aanu ku jirno bishii Saddexaad Sagaalkeedii shirkadihii Jaadka Gaynayey Kililka Shanaad ee Itoobiya Dhammaantood waa la joojiyey, waxa la keenay dad kale oo la yidhi waa Qurbajoog oo Jaadkii waa la siiyey, marka Dastuurka Itoobiya ee Ganacsigu waxa uu dhigayaa in Ganacsigu xor yahay oo la Tartamayo Nooca uu doono ganacsigu ha ahaadee, sidaasi awgeed waxay yidhaahdeen Toban Cisho Qaata shirkadihii Qaadka Gayn jiray Kilalka Shanaad dadkii kelana Labbaatanbaanu siinay, runtii taasi arrin fool xun ayey nagu noqotay dhib weyn bay-na nagu keentay iyo khasaare Farro baddan. waxay arrintii soo socotaba xallay Kowdii Habeenimo ayaa qaadkii yimid loo kala Dirayey Kilalka Shanaad iyo Qayb (LC) ah oo Somaliland loo Soo dirayey, dabadeeto qaadkii dib baa loo celiyey oo waxa la lumiyey xuquuqdii muwaadinkii ka ganacsanayey dhulka Kililka shanaad oo waxa lagu celiyey qaadkii Kililka Afraad ee Oromiya. markaa Kililka Shanaad waxa uu jabiyey Dastuurkii Dalka Itoobiya ee Ganacsiga Muwaadinka Illaalinayey, waxaana arrintaasi ka danbeeya Maamulka  Soomaalida Itoobiya.”

Xasan Faruur waxa uu intaas raaciyey isagoo baaq u diray dawladda Federalka Itoobiya waxa uu intaas raaciyey:

“Marka waxaanu  baaq u diraynaa Xukuumada Dhexe ee Itoobiya oo aanu leenahay Jigjiga waxa lagu Gubay qaadkii Cashuurnaa ee haystay liisanka Ganacsiga ee loo yaqaano (LC) kaasi oo leh Sharciyadii dalka Itoobiya oo dhan lagu isticmaalayey, xallayna Qaadka la gubay LC oo mid sharci leh buu ahaa.

Sidaasi awgeed Ganacsigii ka dhaxeeyey Somaliland iyo Itoobiya waxa uu qarka u saaran yahay in uu joogsado oo Qaadki aanu ka keenaynay Dalka itoobiya aanu u wareejino Dalka Kenya oo jaadka dalkaasi ka dalbano, haddii aanay dawlada Itoobiya waxba ka qabban waaydo. Itoobiya iyadaa Qaadka Dan ku qabtaa, Sannadkii ba 480 milyan oo dollar ayaa u Xarooda itoobiya oo Somaliland ka baxa iyadu waliba Shirkadahayaga qaadku geeyaan.

Taasi waxa ka darran in Kililka Shanaad uu cashuur Shakhsiyeen ah uu nagu soo rogay Shan Degmo, Degmada Damal, Aw-barre, Xarshin, Gaashaamo iyo Daroor, oo Maamulka Kililka Shanaad waxay nagu amreen in Qof suuqa jooga aanu Kiilo kasta oo qaad ah siino Lix Riyaal oo lacagta Itoobiya oo Bilaa Juwan ah anaga oo Bixiina Lacagtii cashuurta ahayd, lama waydiiyo dadka dhulka kale jaadka geeya, marka Dhulkii Itoobiya ee Xuquuqdiisu uu sinaayeen Muwaadiniintu waanu waynay.”

 

HALKAN KA DAWO: