Amsterdam, Holland December 1, 2014 (Codka Hargeysa) – Dowlada Holland ayaa aroornimadi axaada ka muustafirisay 16 qof oo dhaliyaro Soomaali oo ann haysan sharci ay dalkas ku joogan, iyadu talaabadan ay qadaay dowladda Holland ahaa mid qorsoodi ah oo dhalinyaradda lagu celinayo dalka Soomaaliya. Waxana qaar ka mid ah ehelada dhalinyaradas ay ku eedeyeen inn dowladda Holland iyo Soomaaliya ay wada galeen hishiis qarsoodi ah oo aan hore loo shaacin.
Waxana sakaa garoonka diyaaradaha ee cassimaadda dalka Holland, ee Amsterdam laga dhoofiyey 16 qof oo uu badan dhallinyarada aan xaasaska laheyn, waxana dowladda Holland ku sababeyse inn dhalinyaradani anay haysan sharci ay ku sii joogan dalka Holland madaama loo diiday codsigii magaan geliyadda qooxontinimo sida uu sheegay telefishaanka Universal telefishaan oo arrinta ka waraysatay Agaasimaha dallada ururada Soomaalida ee FSAN Dr. Ali Awaare.
Dadka laga dhoofiyey madaarka magaladda Amsterdam oo ay transit ku noqoneyan magaladda Istanbuul ee dalka Turkiga, islamarkaana ka degi donan doonan magaalada Muqdisho.
Wararka anuu ka helayno talaabadan ay dowladda Holland qadaay ayaa sheegaya inn toddobaadkiiba maalin ay dowladda Holland ka mustaafirin doonto dhalinyaradda Soomaalida gaar ahan raga ee aan sharciga ka haysan dalkaas.
HALKAN KA DAWO: