Britain, November 30, 2014 (Codka Hargeysa / Saxafi) — Ra’isul wasaaraha dalka Britain, David Cameron ayaa shaaciyay qorshayaal uu ku doonayo dalkiisu inuu ku yareeyo tirada dadka soo galootiga ah ee dalkiisa uga imanaya waddamada xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub.
Tallaabooyinkan lagu adkeynayo sharciyada oo uu shalay ku dhawaaqay RW Birtain ayaa waxaa ka mid ah in dadka soo-galootiga ah aanay muddo afar sano ah heli doonin lacagta loo yaqaano ceydha iyo guryaha dawladdu siiso dadka aan dhaqaalaha ku filan haysan.
Sidoo kale, Cameron ayaa sheegay in loo oggolaan doono inay dadkaas soo galaan Britain haddii ay shaqooyin ka helaan, balse aanay jirin wax taageero ah oo ay dawladiisu siinayso soo-galootiga oo uu ku sheegay kuwo dhaqaale doon ah.
Cameron ayaa xusay inay faa’iido ugu jirto waddankiisa dadka dhaqaale-doonka ah ee uga imanaya dalalka kale ee Yurub, balse loo baahan yahay tiradooda in loo xadido si waafaqsan danaha Qaran Britain. “Waxaan ku leeyahay saaxiibadeena Yurub waxaa la gaadhay xilligii aan ka wada hadali lahayn arrinta lagu yareynayo soo galootiga ka imanaya qaar ka mid ah Yurub ee soo buuxiyay Birtain,” ayuu yidhi Cameron.
Hadalka ra’iisul wasaaraha UK ayaa kusoo beegmaya iyadoo doorashada guud ee dalkaas lagu wado inay dhacdo sanadka soo socdo, iyadoo la sheegayo in xisbiga muxaafidka ah ee Conservative ay cadaadis ku hayaan asxaabta soo-galooti-diidka ahi.
Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inuu doonayo inuu ra’iisul wasaare David Cameron wada-hadallo kala yeesho qorshaha uu soo jeediyay ee dalkiisu uu dadka risiq-doonka ah culeyska ku saarayo.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha UK ayaa ku celiyay ballanqaadkiisii ahaa in haddii uu mar kale ku guuleysto xilka ra’iisul wasaarenimo ee dalkaas aanu Midowga Yurub wax heshiis ah kala geli doonin qorshe ay ku doonayaan inay kaga baxdo Midowga Yurub, taasoo afti lagaga qaaadi doono shacabka Britain marka la gaaro sannadka 2017-ka.