HARGEYSA (CH)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray Baanka Ganacsiga Caalami ah ee Shirkadda Dahabshiil oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee laga hirgeliyo Somaliland.
Baanka Ganacsi ee Shirkadda Dahabshhiil oo laga dhismaha dabaqa ugu dheer uguna ballaadhan magaalada Hargeysa oo dhismihiisu muddo toddoba sannadood ah ka socday Badhtamaha Suuqa Caasimadda, ayaa waxa ku baxay malaayiin Dollar-ka Maraykanka.
Munaasibadda Furitaanka Baanka Caalamiga ah ee Dahabshiil oo lagu qabtay Dhismaha laga hirgelinayo bangiga, waxa madaxweynaha ka sokow ka qayb-galay Madaxda Xisbiyada Siyaasadda, Masuuliyiin ka socday Qaybaha Waxbarashada, ganacsiyada kala duwan, Caafimaadka, Madax Dawladda ka tirsan, Masuuliyiinta ugu sar-sarreysa Dahabshiil Group iyo marti-sharaf kale.
HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA MADAXWEYNAHA