Oslo, Norway, November 28, 2014 (Codka Hargeysa / Saxafi)-Baarlamaanka Norway ayaa toddobaadkan kaga hadlay sida caalamku u dayaceen Soomaaliya iyo sida Somaliland u tahay goob nabadgalyo oo horumark balaadhan oo dimuqraadiyad ahi ka jirto.
Kalfadhigan ay baarlamaanka Norway sheegeen goob joog ka ahaa gudoomiyaha hay’ada maamul wanaaga iyo la dagaallanka Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan Norway iyo madaxda jaaliyadda Somaliland,
Soomaalidda degan Norway ayaa noqotay jaaliyadda ajaanibka ah ee dalkaasi ugu badan, isla markaana ku tartamaan xisbiyadda ka jira Norway,waxayna jaaliyadda soomaalida ee kunool dalkaasi cago cagaynaysa 35,912 qof.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Børge Brende, ayaa xildhibaanadda Norway su’aallo ka waydiiyey qadiyadda Somaliland iyo waxa uga qorsheysan iyo soomaaliya waxa uga meel yaala, waxaanay wasiiraddu tilmaamay in wadamadda reer galbeedka iyo qaramadda midoobay ku khasaareen nabadeynta Soomaaliya, sidoo kale, waxay xustay inay Somaliland xaaladeedda la socoto.
Qaar ka mid ah xildhibaanadda golaha Baarlamaanka ayaa ka warbixiyey dimurqaadiyada iyo xoriyatul qawlka ka jirta Somaliland iyo sida ay Somaliland u tahay goob nabadgalyo ah.
Kalfadhigan waxa Somaliland uga qaybgallay oo goobjoog ka ahaa gudoomiyaha hay’adda maamul wanaagga iyo la dagaallanka Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar, safiirka Somaliland uu fadhiya Norway, gudomiyaha jaaliyadda Somaliland, masuliyiinta sadexda xisbi qaran ee Norway iyo dadweyne faro badan oo soo buux dhaafiyey golaha baarlamaanka Norway.
Guddoomiyaha hay’adda maamul wanaagga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar ayaa ka warbixyey kalfadhigan uu ka qaybgallay waxaanu yidhi“Waxa ay runtii tahay wax lagu farxo in caalamku soo fahmayaan Somaliland iyo Soomaaliya ay kala yihiin laba dal oo kala duwan. Waa guul ay Somaliland gaadhay mudadii 23 sanno ah oo ay u adkaysatay wax mucaawimo ah aduunyadda ka helin in iyaddda iyo dadkeedda ay dhisato”.